Arooska Qoyska Reer Boqor ee Dalka UK (Prince William and Kate Middleton)

Maanta oo taariikhdu tahay (29-04-11) waxaa guud ahaan dalka UK gaar ahaan magaalada London hareeyey damaashaadka iyo farxada aqalgalka xaflada arooska Prince William iyo afadiisa cusub Kate Middleton.

Kumaan kun oo qof ayaa isa soo tubay, isla markaana ku hor damaashaadaayey halka uu ka dhacayey maamuuska xaflada arooska lamaanahan cusub.

Dadka sida gaarka ah loo soo casumay ayaa tiradooda lagu sheegay 1,900 oo qof oo aysan ku jirin madaxda iyo martida kale ee dibadaha uga timid ka qaybgalka xafladan.

Baadariga heysta kaniisada ugu weyn ee Archbishop of Canterbury ayaa khudbad gaaban kadib ku dhaawaqay in maanta iyo wixii ka dambeeya qoyskan reer Boqor yihiin nin iyo xaaskiis wuxuu kaloo yiri ”in the name of the Father, and of the Son, and of the Holy Ghost. Amen.”

Intaas kadib Prince William iyo afadiisu waxay kulan khaas ah la yeesheen qoyska ay kasoo wada jeedaan, kolkaasoo ay qalinka ku duugeen saxiixa diiwaan gelinta guurkooda.

Lamaanhan maanta is-guursaday waxaa la siiyey maamuus cusub, maadaama ay ka baxeen nolosha keli-noolaanshaha ah iyagoo loogu yeerayo ama noqdayba (Duke of Cambridge and Miss Middleton Duchess of Cambridge)

Shakhsiyaad caan ah oo dunida si weyn looga yaqaano ayaa goob joog ka ahaa arooska qoyskan reer Boqor iyadoo la arkayey kabtankii hore ee xulka kubada cagta England David Bechkam haweeneyda uu qabo Victoria Bechkam iyo sidoo kale dad ay ka mid yihiin R/wasaarayaasha dalalka Britain iyo Australiya David Cameron iyo Julia Gillard.

Madaxda aan lagu casumin arooskii maanta ee aan iyagu helin waraaqaha casumaada ayaa waxaa ka mid ahaa R/wasaarihii hore ee dalkan Britain Tony Blair iyo ninkii kale ee isaga kaga dambeeyey xafiiska Gordon Brown.

Sidoo kale diblomaasiyiinta aan lagu casumin xaflada arooska reer Boqor ayaa waxaa ka mid ah safiirka Suuriya u fadhiya dalkan Britain, safiirka Libiya, iyo kan boqortooyada Baxrayn.

Halka uu ka dhacayey xaflada arooska ayaa lagu magacaabaa abbey waxaana ku sugnaa martisharaf caalami ah oo dunida dacaladeeda isaga timid.

Markii kulanka meherka Prince William and Kate Middleton uu soo dhamaaday ayaa waxay raaceen gaari faras dusha ka furan si ay ugu gacan haatiyaan malaayiintii qof ee iyagu markhaatiga ka ahaa meherkooda.

Socdaal gaaban oo qaatay 15 daqiiqo ayey ku soo mareen Westminster Abbey, Buckingham Palace, iyagoo sii hor maray meelo ay London caan ku tahay oo ay ka mid tahay the Houses of Parliament, Big Ben iyo Horse Guards.

Intaas kadibna waxay dusha sare u fuuleen Balokoon hoyga qasriga boqortooyada iyadoo ay weheliyaan boqorad Elizapeth iyo saygeeda, iyadoo wajiyadooda kamuuqatay farxad ay u wehelisay  jawigii quruxda badan ee ka jiray halkii uu ka dhacay arooskooda.

Waxaa la arkayey Prince William iyo afadiisa oo dhoola cadeynaya, islamarkaana is-dhunkanaya taasoo ay ku heleen sacab iyo sawaxan farxadeed oo xad-dhaaf ah.

Kharashka ku baxay aqalgalka lamaanahan maanta is-guursaday ayaa lagu sheegay lacag ka badan 20-milyan oo Pound.

Amaanka ayaa aad loo adkeeyey iyadoo Policka ka howlgalayey xafladan lagu sheegay tiradooda 5,000 oo askari, waxaana isla maanta dhacay laba dibad bax oo lagu mucaaradsan yahay qoyska reer Boqor waxayna ka kala dhaceen halka loo yaqaano Soho Square, iyo Red Lion Square, Holborn.

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s