Ciidamada DKMG iyo Ahlu Suna oo Si Rasmi ah ula Wareegay Degmada Garbahaarey

Wararka naga soo gaaraya degmada Garbahaarey ee gobolka Gedo ayaa xaqiijinaya in ciidamada DKMG iyo kuwa Ahlu Sunna oo wadajira ay saaka si rasmi ah ula wareegeen degmada Garbahaarey.

Abaare 10:00 subaxnimo ee saaka ayaa la xaqiijiyey in ciidamada DKMG iyo kuwa Ahlu Suna ay gudaha u galeen degmada kadib markii weerar kedis ah dhowr jiho ku soo qaadeen magaalada.

Ma jirin wax dagaal ah oo magaalada Garbahaarey gudaheeda ka dhacay, sida ay noo sheegeen dad degaanka ku sugan.

Gudoomiyaha gobolka Gedo Maxamed Cabdi Kaliil oo goor dhoweyd isaga iyo saraakiil kale ay gaareen degmada ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay telefoonka wuxuu ku sheegay in xaalada degmadu hadda degan tahay isla markaana magaalada si nabdoon ay ula wareegeen ciidanka DKMG iyo kuwa Ahlu Suna.

Maxamed Cabdi Kaliil wuxuu intaa ku daray in ciidamadii Shabaab ay u baxsadeen dhanka magaalooyinka Buurdhuubo iyo Baardheere oo ka tirsan gobolka Gedo, isagoo sheegay in ciidanka ay ku sii daba jiraan.

Wuxuu gudoomiyuhu ugu baaqay dadka shacabka inay isdejiyaan ayna ka shaqeeyaan sidii amaanka loo soo celin lahaa.

Warar madax banaan oo naga soo gaaraya deegaanka ayaa sheegaya in ciidamo fara badan oo ka tirsan Al Shabaab iyo saraakiishooda oo wata gaadiidka dagaalka ay maanta gaareen degmada Baardheere iyagoo ka soo galay dhanka Garbahaarey oo xalay ay ka soo bexeen.

Qabsashada degmada Garbahaarey ayaa ku soo beegmeysa iyadoo ciidamada DKMG iyo kuwa Ahlu suna oo iskaashanaya dhawaanahan guulo ka gaarayeen dagaalo ay Shabaab kula galeen deegaano badan oo ka tirsan gobolka Gedo, waxayna Garbahaarey noqoneysaa degmadii ugu dambeyey ee ay dawladu qabsato.

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s