Wax garadka magaalada Baargaal ee xarunta gobolka Binna ee maamul goboleedka Raascasayr State oo amaanay wax qabadka madaxda maamulkaas

Wax garadka magaalada baargaal ee xarunta gobolka binna ee maamul goboleedka raas casayr ayaa sheegay inay si buuxda u taageersanyihiin maamulka cusub ee looga dhawaaqay deegaanadaas waxayna ku amaaneen horumarka ay wadaan madaxda maamulka raascasayr state of somalia nabadoon ahmed salad abdirahmaan oo ka mid ah waxgaradka degmada baargaal ayaa warbaahinta allcaseyr u sheegay inay soo dhowaynayaan maamulkaas ayna aad ugu riyaaqeen isagoo sidoo kale ugu baaqay dadka degaanka inay wax qabsadaan kana shaqeeyaan nabada waxa uu sidoo sheegay in horumar la taaban karo ay sameeyeen intii la magaacabay maamulkaas ayna waxgarad ahaan ay ku shaqaynayaan rabitaan shacabka ay masuulka u yihiin sidoo kale ahmed salad ayaa warbaahinta u sheegay inay mar dhow uu soo gaari doono magaalada baargaal madaxwaynaha maamulka raascasayr state of somalia iyo xubno ka tirsan golaha wasiirada ee maamulkaas si kastaba ha ahaatee dadwaynaha magaalada baargaal ayaa si wayn u sugaya imaanshaha madaxwayne dooxajoog iyo xubno ka mid ah golaha wasiiradiisa uuna ka mid yahay wasiirka maaliyada ahmed sulaymaan iyo wasiirka warfaafinta waxaa la filayaa in shirar la qaataan ururada bulshada dhalinyarada wax garadka iyo maamulka degmada iyo kan gobolkaba
isku soo wada duubo hadalka nabadoonka ayaa ka turjumaya rabitaanka shacabka baargaal

Eng Abdalla Mohamed

Allcaseyr.net

Comments Off on Wax garadka magaalada Baargaal ee xarunta gobolka Binna ee maamul goboleedka Raascasayr State oo amaanay wax qabadka madaxda maamulkaas

Filed under NEWS

Comments are closed.