puntland madaxwaynayaal ma soo marine waxaa soo maray 3 wasiir

Hadaan marka hore ka hadlo ciwaanka maqaalkan oo ah puntland madaxwaynayaal ma soo marine waxaa soo maray wasiiro inta badan  waxaa xaqiiq ah in  shacabwaynaha deegaankaas ay taas aaminsanyihiin

1998 waxaa puntland madaxwayne loo doortay madaxwayne abdullaahi yuusuf ahmed oo inta badan soomaalidu ay taqaan isaga oo lagu yaqaan nin u janjeera dhanka ciidanka laakiin inta badan dadwaynaha deegaanada maamulka puntland ayaa iyagu u arkaayey arintaas inay tahay xal madaama xiligaas siyaasada soomaaliya ay u janjeertay dhankaas iyo ciidanka hadaba madaxwayne yuusuf ayaa ku dhamaystay waqtigiisii ciidan dhisid  iyo ku mashquulid dagaal haday noqon lahayd dhanka xuduudaha oo uu geeyey ciidan aad u fara badan inta badan dhaqaalaha puntland ay ku bixi jireen dhanka ciidanka hadaba  xiligaas laguma tilmaami Karin in puntland ay leedahay madaxwayne balse waxay lahayd wasiir gaashaandhig waxaana ka ahaa cllaahi yuusuf ahmed

2005 ayaa waxa la doortay madaxwayne mohamuud muuse hersi (cade muuse) inta badan dadwaynaha maamulkaas ku dhaqan ayaa u arkaayey in wadanku uu ka baxayo xaalada ciidan iyo dhul aan waxna oolin oo dhaqaalaha lagu baabinayo taas ma aysan dhicin ee  way ka sii dartay  madaxwaye cade muuse ayaa isagu waxa uu waqtigiisii ku dhamaystay beel hebel ayaa nabad dhex dhignay iyo labo beelood ayaan kala dhexgalnay  hadaba xiligaas puntland ma aysan lahayn madaxwayne balse waxa ay lahayd wasiir dib u heshiisiin waxaana ka ahaa mohamuud muuse hersi (cadde muuse) oo isagu waqtigiisa ku dhamaystay heshiisiin beelo aan is haysan

2009 ayaa waxaa madaxwayne loo doortay madaxwayne c/rahmaan Mohamed faroole oo ay inta badan dadku arkaayeen in aqoon leh sidoo kale aan u janjeerin dhanka ciidanka ahna qof wax ka badali karo xaalada  dalku marayo hadaba kuwii hore ayaa nabad noqday oo  dadku u riyaaqeen waxaa iska cad in faroole uu intiisa badan waqtigiisii ku dhamaanayo dhaqaalo aruurin iyo inuu ku burburiyey dhaqaalihii wadanka safar dibada ah taas waxaa ka daran isaga oo barnaamijkii dawladnimo ee loo doortay dhaafin waayey magaalada garoowe  una dhaqaaqay in uu xaalafiyo dhaqaalaha ka soo baxa dekadaas magaalada bosaso iyo airporkaba hadaba waqtigan waxaa la oran karaa puntland malaha madaxwayne ee waxay leedahay wasiir maaliyadeed waxaana ka ah abdirahmaan faroole

Isku soo wada duuboo waxaa cad in aan laga maarmeen in dadka ku dhaqan degaankaas ay doortan madaxwayne kaas oo wax ka qabta xaalada ay ku suganyihiin degaanadaas hadaba waxaan filayaa in maantay dalku uu baahanyahay daba qabasho.

Fikradan waxay ku koobantahay qoraaga

eng abdalla mohamed

Comments Off on puntland madaxwaynayaal ma soo marine waxaa soo maray 3 wasiir

Filed under MAQAALO

Comments are closed.