Dhowr Qof oo lagu Dilay Magaalada Gaalkacyo Saacadihii La Soo Dhaafay

Dilalkii todobaadyadan sida xowliga ah uga soconayey magaalada Gaalkacyo ayaa halkoodii kasii socda, inkastoo maamulka cusub ee Gobolka Mudug ay soo saareen awaamiir dhanka amaanka ah.

Ugu yaraan 4 qof ayaa lagu soo waramayaa in lagu dilay gudaha magaalada Gaalkacyo ee dhanka Puntland, dadkaasi oo siyaabo kala duwan loo bartilmaameedsaday.

Raga la dilay ayey waxay kala ahaayeen nin ganacsade ah, macalin dugsi iyo laba qof oo rayid ah.

Xiisad ayaa ka dhalatay dilka ganacsadaha, waxaana laga dareemayaa magaalada kacsanaan, iyadoo wadooyinka ay gaaf wareegayaan maleeshiyaad hubaysan.

Shalay un ayey ahayd markii maamul cusub oo loo soo magacaabay Gaalkacyo ay la wareegeen xilalkii loo magacaabay, waxayna u muuqdaan masuulyiin doonaya inay wax weyn ka bedelaan, islamarkaana dar-dar geliyaan arrimaha amaan darrada ee ay la daalaa dhacayso magaalada Gaalkacyo.

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s