Roobab lagu diirsaday oo maanta ka da’ay Dhoobley

Roobab ay ku diirsadeen dadka iyo duunyada ay maanta ka da’ay degmada Dhoobley iyo deegaano hoostaga degmadaasi.

Wararka naga soo gaaraya degmada Dhoobley ee gobolka Jubada Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in maanta deegaanadaasi ay ka da’een roobab ay ku diirsadeen dadkii iyo duunyadii halkaasi ku noolaa.

Roobabka ayaa la sheegay inay si wacan  uga da’een  degmada Dhoobley iyo deegaanka Qoo-qaani oo ay ka jiraan abaaro baahsan oo u geeriyooday dad ku noolaa halkaasi, waxaana abaarahaasi dadka u sii dheeraa dagaalo mudooyinkii dambe hareeyay gobolada Jubooyinka.

Degmada Dhoobley iyo deegaanada hoostaga degmadaasi, waxaa ka barkacay qoysas aad u farbadan oo saamayn ku yeeshay abaaraha ka jira halkaasi, iyadoo Roobabkii maanta ka’aday deegaanadaasi ay rajjo galiyeen qoysaskii ku noolaa halkaasi.

Ugu dambeyn Qaar ka mid ah dadka ku sugan degmada Dhooblay oo ay la xiriirtay Idaacadda Shabelle ayaa waxaa ay sheegeen in Roobabka ka da’ay halkaasi lagu diirsaday islamarkaana ay si fiican u cabeen xoolihii haraadka haystay ee ku noolaa gobolkaasi.

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s