Roobab ka da’ay gobollada dalka qaarkood

Roobab lagu diirsaday ayaa 24-kii saac ee ugu dambeeyay ka da’ay gobollada Baay, Bakool, Hiiraan iyo deegaannada maamulka Somaliland, kuwaasoo ku soo beegmay xili ay dalka ka jireen abaaro iyo biyo la’aan.

Roobabka ayaa ah kuwa ay ku farxeen dadka ku nool deegaannada ay ka da’een, iyadoo dhowaan qeybo ka mid ah gobollada dalka laga tukaday salaado roob-doon ah, isla markaana dadku ay ku duceysteen inuu Alle raxmaddiisa u keeno.

Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa lagu soo warramayaa inay roobabku saameyn ku yeesheen dadka ku barakacay gudaha magaaladaasi, kuwaasoo aqalladooda ay ka sameysan yihiin baco iyo marooyin la isku xirxiray oo aan u adkeysan karin roobka.

Roobabka ayaa ku soo beegmaya xilli inta badan gobollada dalka laga cabanayo abaaro iyo biyo la’aan, saameyn ku yeeshay dadka iyo duunyada.

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s