Nin hubeysan oo bariga degmada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ku dilay laba qof oo Shacab ah

Gobolka Mudug wuxuu ku dilay laba qof kaddib maanta markii uu rasaas ku furay goob ay dad badan ku sugnaayeen.

Goobjoogayaal ku sugan degmada Gaalkacyo ayaa saxaafadda u sheegay in ninka hubeysan ee dilka geystay uu ahaa nin madaxa looga jiro, uuna rasaasta furay markii ay qaddar murmeen mid ka mid ah ragga ku dhintay rasaasta uu furay.

“Nin qori ku hubeysnaa ayaa rasaas ku furay goob ay dad badan ku sugnaayeen oo ku taalla xaafadda Horumar ee degmada Gaalkacyo, wuxuuna goobta ku dilay hal qof, mid kalena wuxuu u dhintay dhaawac halis ah oo soo gaaray,” ayuu yiri goobjooge ku sugnaa halka ay shaqaaqadu ka dhacday.

Ciidammo ayaa gaaray goobta ay shaqaaqadu ka dhacday, iyadoo la sheegay in ninkii hubeysnaa ee falkaas geystay uu ka baxday goobta, iyadoo ciidamadu ay ka wadaan baaritaanno ay ninkii falkaas geystay.

Arrintan ayaa imaanaysa iyadoo degmada Gaalkacyo ay dhawaanahan ka jireen falla ammaan xumo, taasoo sababtay in maamulka Puntland uu badalo dhammaan maamulkii ka talinayay waqooyiga degmada Gaalkacyo.

allcaseyr.net

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s