Madaxweyne Faroole oo Garoowe ka wada abaabul dagaal oo ka dhan ah maamul gooboleedka cusub ee Raas Caseyr State Of Somalia

Waxaa malmahanba ay shirar aan kala joogsi lahay ka dhacayen magalada Garoowe  ee gobalka Nugal
shirkaas  oo uu soo qaban  qabiyay Faroole isgoo ujedadisu aheeyd sidii bulshada ku dhaqan gobalka Nugaal ay ugu tagerilahayd damaciisa ah inuu dagaal Maamul goboleedka RAAS CASEYR STATE OF SOMALIA maamulkaas oo ka madaxbanaan Puntland inteeda kale yeshayna madaxweyne iyo ku xigeen,gole barlamaan iyo gole wasiir dhamantodna ku sugan wadanka gudihiisa kadib markii ay ku gacan seyreen saladinta, aqoon yahanada, culumo awdiinka, ganacsatada iyo qaar kamida sarakisha ciidanka puntland ayaa waxaa soo baxaya inuu faroole hada uu ababul ugu jiro sidii uu burcad badeed iyo maleshiyo beleed beled u soo hubayn lahaa.

Mamulka RAASCASEYR  oo ka dhashay shirar iyo wada tashiyo mudaba uga socday dalka iyo dibada dadka degaanka degan ayaa shir weyne loo dhanyahay oo ay ka soo qayb galeen dhamaan bulshada dhinacyadeda kala duwan waxuu ka dhacay 10/2/2011-20/2/2011 magaalada BAARGAAL kaas oo lagu go aan saday in ay dadka degamadaas dagani ay sameystaan maammul  ka shaqeya danahooda kadib markii ay ku khasareen isku sarsigii iyo wada lahanshihii puntland  ayaa lagu dhawaqay mamulka RASCASEYR STATE OF SOMALIA tarikhdu markay  aheeyd
17/4/2011

Madaxweynaha mamulka raas caseyr Eng Farah Mohamud Yusuf Dooxajoog maruu lahadlayay warbahinta gudaha isagoo ku sugan casimada mumulkas ee caluula ayuu u sheegay in cid kasta oo isku dayda inay ka hor yimadan rabitanka shacabka degankaas ay ka hortagayaan iskana difacayaan.

Sidoo kale waxaa warbaahinta gudaha la hadlay taliyaha guud ee cidamada RAASCASEYR STATE OF SOMALIA jen: Mohamed Xirsi Cumar isagoo sheegay in hadii maleeshiyada uu Faroole ka ururinayo Garoowe soo damaciyaan degankan ay u dhigayaan cashar lama ilawana isla markaana ay hada ku jiraan heegankii ugu danbeeyay xaduduhuna ay xiran yihiin bad iyo biri ilaa iyo iminka ma jirto wax wan wan wada hadal oo labada qoloba ay diyaar u yihiin waana suura gal in xili kasta uu ka qarxo dagaal faraha looga gubtay kaas oo masuliyadiisa uu qadayo faroole  iyo inta ku caqligaa.


Sawiradaan waa shirkii ka dhacay degmada Bargaal oo lagu doortay mamulka Raascaseyr labada nin ee wada fadhiya waa madaxweynihii Eng: Farah Dooxajoog iyo ku xigeenkii madaxweynugu Dr: Bare Faatax



Xigasho Somaliwayn

Allcaseyr.net

13 Comments

Filed under NEWS

13 responses to “Madaxweyne Faroole oo Garoowe ka wada abaabul dagaal oo ka dhan ah maamul gooboleedka cusub ee Raas Caseyr State Of Somalia

  1. ina mahamuud daldal

    sc wr wbr waa guul iyo gobanimo auy gaareen beesha allcaseyr walaalayaal dad isku fkr ah aan qilaaf laheyn isku dan ah allah udun ka wada dhigo rag madax nimada loo doortayna ahaada kuwo u halgama shacab kooda iy dadkooda un taba guul guul.

  2. sofia sagal

    guul guul

  3. sofia sagal

    sc wr wbr qofkasta oo bini aadan oo illahey abuurtay wuxuu xaq u lee yahay in uu dantiisa qabsado si uu , u gaaro heer caalamiya runtii suwaaqroon waa reerka kaliya aan wali qeylo kasoo yeerin maamulkasta oo puntland ka dhasha ,marka danihiin aqabsada walaalayaal ilaaheyna haddii ku garab galo aamiin.

  4. Sagal

    Salamaucalyku

    Waa iga su’aal’e Putland ma Qaranbaa mise waa Qabiil. Waa Qabiil isu tagay oo Qarankii markii uu burburay in foodada ka soo socotay Konfur ay kaga hortagaan. Haddii Qarankii la wayay, qabiilka waxay wax ku dhiteen in si cadalad ah ay wax u wada qabsadaan. Lakiin haddii maanta taas laga wayay Putland, waxay noqotay in laga tashado oo beel kastaaba mamulkeeda samaysato. Taas ayay Raascasayr Satate of Somalia ku timid. Waanan tageersanahay soona dhawaynayaa.

    Waad salamtihiin.

  5. cabdalle qaylo

    faroole awood uuma leh in uu dagaal qaado umana soo jeedo sababtoo ah uma imaan kurisiga inuu lacag ka aruursado mooyeeee, puntland waxba kama galin lacag kaliya ayuuu rabaa uu australia kula noqdo ku baashaalo saan u arko sababtoo ah haduu puntland jiritaankeeda dagaal u gali lahaa mar horuu gali lahaa laascaanod ayuu difaaci lahaa

  6. cabla hufan

    waan idn salamay dhmaan walaalh caseyr oo dhan idnka waa tashteen waa beloow fican weye anaan goor dhow waan goosan markaa yay u talinayaan rerihii xalaalystay puntland elmaderayaalo xagaa ka soo wada anan xagaa baan ka wadeynaa
    kkkkkkkkkkkkkkkkk

  7. Saalaan ku socoto dhaaam dadka nabada jecel.
    Faroole waxaa hubanti ah inuu dhamaadka xiligiisi bilowday,waayo waxa laga qaaday cagliga iyo xikmada sababtoo ah waxa uu soo qorsheeyay in Raas Casyr dad walaalo ah uu isku diro oo is dhalay waxbadana wadaago
    oo isu imaan karo wada hadli karo mar ala markay u noqoto.
    Fidnadii uu isla haa shid maanta waxa ay keentay in lagu fahmo oo looga tago Puntland,haduu leeyahay tolaa ayay ii soo celiya dadwaynahaa iga tashtay ee aan iska dhega tiray codsigoodii markii hore.
    Waxaad ku heshaa in dhiig la qubo adiga unbay beri dib kuu ugaaran oo waxaan ku riyooday isagoo wiil reer bari ah dhabarka ka toogtay,hadii niyeesto in reer bari uu laayo.
    What goes around comes around.
    Gacan walba waxxaad geysataad leedahay,loo joogeeba.

  8. ASC Dhamantiin iyo Reer Raas Casayrba
    Faroole waxaa laguu qaatay adigoo Galmudug iska dhisa oo gacmaha qabsada oo sidaadii diyarado la raaco say kuu dhahaan waa nin fiican ee Somaliya madaxwayne ha looga dhigo,waxaad kaloo u baahantahay si aad deg deg madaxwayne Somaliyeed u noqotaa inaad tolkaa laysaa oo ah dadkii ku doortay si ay hawiyaha kuu sii jeclaadaan.
    Adeer Faroole waxaa laguu qaatay taxi aad ka wadi jirtay Melbourne iyo Hydelbeirg xaafadaadii inaad isaga noqotaa,taas baa aduun iyo aakhiro kuu sharaf badan.
    Somaliya waa mid,waxii ka sokeeyo oo maamul ah waa wax dadku un isku raaceen ee ma ahan midaad adiga leedahay ood dadka ku qasbi kartid.
    Ogow ragoow kibirka waa lagu jabaa,hortaa jir baa ku socday qab indha la.
    WAAA IGA TALO HADAAD FAROOLOOW AAD TAHAY NIN FAR LA GELIYAY.

  9. Toosiye

    Faroole ciidanka uu ku soo weeraryo Raascasyr State muu ku sugo ammaanka Puntaland oo maalinba nin nabaddoon ah suuqa dhexdiisa lagu dilo, intuu degaan nabad ah uu san xitaa mapka ka aqoon meel uu ku yaal u hanqal taagayo inuu colaad ka bilaabo. Hadduu maleeshiyo beeleed u diro deegaankaas waxaa la hubaa in aan wax badani ka soo noqoneyn waana la iska daafacayaa. Dadka deegaanka dibad iyo gudaba waa iney u diyaar garoobaan ka hortaga u jeedooyinka gurracan ee uu wodo Faroole oo aad mooddo inuu hadda soo xasuustay in dhulkaanu Puntland ka mid ahaan jiray. Yaa Xayawaan!!

  10. Faroole it doesn’t work how u want to work Puntland it works how the punlanders wants work, you should agree if someone wants puntland to make better place if you don’t agree you never know what will you face so better be careful and think, who u dealing with before u make decisions. All Caseyr is our Caseyr is part of Punland love it or hate it, it doesn’t make any sense, is our lovely caseyr and we support and love our Caseyr, who does’t come on.

  11. faroole waa fataal puntland isaga ayaa halkaa dhigay waana calooshiis u shsqaystewaana taageer sanhy raas casayr

  12. walahi siwaqron wa midesan yahay markan wey is wada
    raceen besha uka dhashay iska daaye puntland haa isku soo
    aruuriyo siwaqron kii sanag iyo kii bari dhamantod wee midoben
    oo weey iska war hayan waxi ka dhaca mesha farolow waxba ha ika siin
    sharaf bad leheden maxamud salebanow afka ka boten jidheen
    laakin markan wa cebobesan somali oo dhan neh waa idin tusena
    inad afka uun ka hadashan

  13. acww dhamaan.
    waa layaab hadii uu damacsanyahay falaagada isku sheegta in ay ka taliyaan puntland oo ay aruursanaya maleeshiyo beeleed reerkiisa ah ee burcadbadeed ah oo uu ku daan daansado maaulka cusub oo ay shacab waynaha rascaseyr ay sameesteen ,kadib markay arkeen in ay khasaaro u tahay ka mid ahaasha maamulki ay wax ka soo dhiseen muddo laga joogo 11 sanadood ,hadaba ha ogaado faroole geeridu waxay dhibi ninkii dhoof ku yimid ,ciidamada hilaac ee rascaseyr state
    way u diyaar sanyihiin difaaca dalkooda iyo dadkooda .
    wixi dhib ah ee ka imaadana faroole ayaa dusha u dhigan doona.
    abdalla.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s