Barlamanka oo sheegay in Xukuumadda ay ku tumanayso Axdiga

Golaha barlamanka KMG Soomaaliya ayaa maanta waxaa ay soo saareen Warsaxaafeed ka koobnaa dhowr qodon oo xasaasi ah kaasi oo lagu sheegay in Xukuumadda ay marin habaabinayso  hanaanka geeddi socoto Nabadda ee la doonayo in mar kale Umadda Soomaaliyeed loogu soo celiyo amnigii iyo kala dambeyntii uu lahaa dalka Soomaaliya.

Warsaxaafadeedka ayaa lagu shaaciyay in Xukuumadda ay ku tumanayso Axdiga Federalka KMG Soomaaliya, iyadoo sidoo kale warsaxaafadeedka lagu xusay in Xukuumadda ay bilaawday fowdada iyo jahawareerka siyaasadeed tan iyo markii uu barlamanka KMG uu go’aamiyay in muddo 3-sano ah uu ku kororsaday waqtigiisa.

Sidoo kale Warasaxaadeedka ayaa lagu sheegay in Xukuumadda aysan xaq ulahayn inay ka hortimaado go’aan uu horey u ansixiyay barlamanka maadaama barlamanka uu yahay Hay’adda sharci dajinta ee dowladda KMG Soomaaliya.

Warsaxaafadeedka ayaa shaaca looga qaaday in Xukuumadda ay maalmihii u dambeeyay ay soo abaabushay banaanbaxyo ay ku doonaysay, inay iskaga horkeento shacabka Soomaaliyeed iyo barlamanka Soomaaliya, iyadoo lagu tilmaamay Warsaxaafadeedkii shalay  kasoo baxay Golaha Wasiirada Xukuumadda KMG Soomaaliya ay ku jirineen qodobo dhowr ah oo is burinayay, waxaana Warsaxaafadeedka maanta kasoo baxay golaha barlamanka Saxaafadda u aqriyay Abukaati Max’ed Nuur (Sheegow)

1.      In Xukuumaddu inay diidantahay ku dhaqanka Axdiga KMG Soomaaliya.

2.      Fulinta barnaamijyada Xukuumadeedkii kalsoonida barlamanka lagu siiyay.

3.      In Xukuumaddu ay diidantahay in barlamanka uu  la xisaabtamo.

4.      In Xukuumadda ay diidantahay u kuurgalidda iyo isku xirka xiriirka dowladda Federalka iyo Maamul goboleedyada ka jira dalka Soomaaliya.

Ugu dambeyn  Warsaxaafadeed ayaa lag usoo gaba gabeeyay in barlamanka uu u taaganyahay in uu xal u helo mushaakilka siyaasadeed ee kajira dalka Soomaaliya, waxaana Wasaxaafadeedkaani maanta kasoo baxay golaha barlamanka KMG Soomaaliya uu u muuqdaa mid ay jawaab kaga bixinayaan golaha barlamanka Warsaxaafeed shalay kasoo baxay golaha Wasiirada Xukuumadda KMG Soomaaliya

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s