Xukuumadda oo sheegtay in August aysan dhicin karin doorashada

Golaha Wasiirada Xukuumadda KMG Soomaaliya ayaa isku raacay in bishaAugustaaysan doorasho ka dhicin dalka Soomaaliya.

Golaha Wasiirada Xukuumadda KMG Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay Magaaalada Muqdisho islamarkaana uu shir gudoominayay Ra’iisul wasaare Max’ed C/laahi Max’ed Farmaajo ayaa waxaa ay ugu dambeyn kasoo saareen qodobo dhowr ah.

Go’aanadii kasoo baxay golaha Wasiirada Xukuumadda KMG Soomaaliya aya waxaa ka mid ahaa in bisha Augusta ee soo socoto aysan doorasho ka dhici doonin wadanka Soomaaliya, waxaan Warsaxaafadeedka kasoo baxay golaha Wasiirada lagu xusay in dowladda KMG Soomaaliya ay horumar ka samaysay dagaaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay Magalaada Muqdisho sidaasi darteenta ay sheegeen in xiligaani aysan haboonayn in doorasho ay ka dhacdo dalka Soomaaliya.

Afhayeenka Xukuumadda KMG Soomaaliya C/raxmaan Cumar Cismaan (Injineer Yariisoow) oo goor dhow la hadlay Idaacadda Shabelle markii uu soo dhamaaday kulankii goalaha Wasiiirada ayaa waxaa uu ka warbixiyay go’aankii maanta ay qaateen golaha Wasiirada dowladda KMG Soomaaliya.

“Markii ay tixgaliyeen go’aankii ay horey u gaareen golaha Wasiirada ee ahaa in dib loo dhigo Waqtiga doorashooyinka Madaxada dowladda muddo halsano ah si aan loo wiiqin horumarka amni ee ka socda qeybaha kala duwan oo dalka ka mid ah, loona dhamaystiro howlaha ka dhiman xiliga kala guurka, Markii ay arkeen taageerada loo dhamaa ee ay dowladaha bariga Afirka Madaxdoodu la garab istaageen go’aankii Xukuumadda oo ku aadanaa in doorashooyinka Madaxda dowladda dib loo dhigo muddo hal sano ah, ayay golaha Wasiiradu waxay go’aamiyeen in xaaladda wadanka uu ku jiro aan suurto gal ahayn in doorasho la qabto waqtigan” ayuu yiiri Afhayeenka Xukuumadda KMG Soomaaliya C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisoow.

Afhayeenka Xukuumadda ayaa sidoo kale waxaa uu sheegay in Xukuumadda KMG ay go’antahay la tashiyada ay la samaynayaan barlamanka Soomaaliya islamarkaana sida uu tilmaamay Xukuumadda hadafkeedu uu yahay in la’isku xiro dhamaan Hay’adaha dastuuriga ah ee dalka Soomaaliya.

Shalay ayay aheyd markii Xukuumadda Soomaaliya ay sheegtay in kulan Muqdisho uu ka dhacayo kaasi oo ay wada yeelanayaan Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda iyo golahiisa Wasiirada iyo sidoo kale guddiyada barlamanka iyo gudoomiyaha barlamanka Shariif Xasan Sheekh Aadan inkastoo  ugu dambeyn uu kulankaasi baaqday.

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s