Xildhibaan sheegay in shacabka ay isugu darsameen abaaro iyo dagaalo

Mudane ka tirsan barlamanka KMG Soomaaliya ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay isku biirsadeen abaaraha iyo colaadaha ka jira dalka Soomaaliy.

Xildhibaan Qaliif Jirre Warfaa oo ka mid ah Mudanayaasha barlamanka KMG Soomaaliya ayaa waxaa uu sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay isku biirsadeen dhibaatooyin aad u farabadan oo ay ka mid yihiin abaaraha iyo colaadaha ka jira dalka Soomaaliya.

Xildhaabka ayaa waxaa uu sheegay in gobolada ku yaala Koofurta iyo bartamaha Soomaaliya ay si aad  ah u haraysay abaaro baahsan oo saameeyay dadka iyo duunyada ku nool halkaasi, waxaana uu tilmaamay in dad aad u farabadan ay macluul ugu geeriyoodeen deegaanadii ay ku noolaayeen halka kuwa kala ay isaga barakaceen abaarahaasi.

Qaliif Jirre Warfaa ayaa waxaa uu ugu baaqay Hay’adaha samafalka iyo shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa qurbo joogta ah inay gar gaar bini’aadanimo oo deg deg ah ay lasoo gaaraan shacabka Soomaaliyeed ee iminka la daalaa dhacaya abaaraha iyo dagaalada ka jira dalka Soomaaliya.

Gobolada ku yaala Koofurta iyo bartamaha dalka Soomaliya, waxaa ka jira abaaro baahsan oo saamayn ku  yeeshay dadka iyo duunyada ku nool deegaanada iyo Tuulooyinka hoostaga goboladaasi, iyadoo dadka ay abaartu haysona aysan jirin cid si rasmi ah gar gaar ugu fidisay wallow ay marar badan baaq u direen Hay’adaha samafalka iyo Maamulada ka jira deegaanada ay abaaruhu ku haystaan

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s