Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo ka warbixiyay waxqabadka xukuumadda muddadii ay jirtay

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa ka warbixiyay waxqabadka xukuumadda KMG ah tan iyo markii ay howlaheeda billowday, isagoo sheegay inay ku guuleysteen howlo badan oo ay ka mid yihiin dajinta miisaaniyad dalka iyo ka hortagga musuqmaasuqa.

“Xukuumaddan waxay shaqeynaysaa muddo afar bilood ah… waxayna qabatay waxyaabo badan oo aan horay u jirin, sida: dowlad-wanaag, la dagaalanka musuqmaasuqa, daacadnimo iyo inay ku shaqeyso wadan jacayl,” ayuu yiri ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo wareysi gaar ah siiyay idaacadda Kulmiye oo ka mid ah idaacadaha FM-ka ah ee ka howlgala Muqdisho.

Mudane Farmaajo ayaa intaas ku daray in xubnaha dowladda kula jira ay yihiin kuwo u taagan inay ka hortagaan musuqmaasuqa, sidoo kalena ay daacadnimo ugu shaqeeyaan dalka iyo dadka Soomaaliyeed, wuxuuna rajo wanaagsan ka muujiyay inay isbadal aan horay loo arkin ay keeni doonaan inta ay shaqeynayaan.

“Waxaan awoodda saaraynaa sidii aan ku dhameystiri lahayn dastuurlka dalka iyo sidii aan u higelin lahayn doorashooyin dadlka ka dhaca,” ayuu hadalkiisa raaciyay, isagoo xusay in muddadii ay shaqeynayeen ay qabteen howlo ay ka mid tahay inay dajiyeen miisaaniyad shaqeynaysa.

Xukuumadda KMG ah ayaa waxay markii la dhisay sheegtay inay 100-maalmood wax uga qabanayso sugidda ammaanka dalk iyo sidii ay gacanta dowladda ugu soo celin lahaayeen goobaha ay ka taliso Xarrakatul Shabaab, balse taasi weli ma noqon mid u suurogashay.

“Waxyaabihii aan qabanay muddadii aan shaqeynaynay waxaa dajinay miisaaniyad shaqeynaysa, waxaan u bilownay mushaaraadkoodda ciidamada iyo shaqaalaha dowladda, waxaan kaalmo gaarsiinno dadka dhibaateysan, waxaan billownay inaan dhisno jidadka burbursan, waxaan nalal ku xirnay waddooyinka, waxaan wacyi-gelinno u sameynay dadka dibada iyo gudaha dalka ku nool iyo dib u habeyn aan ku sameynay isbitaalo aan horay u shaqeynayn sida isbitaalka Martiini oo maanta shaqeynaya,” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo ka hadlay dagaallada ay dowladda KMG ah kula jirto xoogagga Xarrakatul Shabaab ayaa sheegay inay diyaariyeen ciidamada si ay dalka uga saaraan xoogagga kasoo horjeeda oo uu sheegay inay ku jiraan dad dalka dibaddiisa ka yimid.

“Xukuumadu waxay diyaarisay mushaarka iyo waxyaabaha kale ee ay ciidamadu u baahan yihiin, si ay muddo kooban gudaheed dalka oo dhan uga saaraan xoogagga Al-shabaab,” ayuu yiri Farmajo oo aan sheegin xilliga ay weerarka qaadayaan.

Ma ahan markii ugu horreysay oo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya uu ka warbixiyo waxqabadka xukuumadda KMG ah, waxaase hadalkiisan uu imaanaya xilli uu jiro khilaaf dhinaca dastuurka ah oo u dhexeeya hay’adaha dowladda, kaasoo salka ku haya muddo kororsi ay xukuumadda iyo baarlamaanku si gooni-gooni ah ugu kala dhawaaqeen.

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s