Maamulka Raascasayr oo sheegay in Puntland aysan imaan karin deegaanada Maamulka Raascasayr

Maamul la magac baxay Raasacasayr State Of Somalia  oo ka aramiya deegaanada Gobolada Binna Iyo  Boolimoog  ayaa sheegay inay gabi ahaamba deegaanada iyo degoomiyinka ay ka taliyaan, ka mamnuuceen Wasiirada Xildhibaanada, iyo Mas’uuliyiinta kale ee Maamulka Puntland.

Afhayeenka Maamulka Raascasayr State  C/rashiid Max’ed Yuusuf oo waraysi gaar ah siiyay Idaacadda Shabelle ayaa waxaa uu sheegay in shir ay Mas’uuliyiintooda ku yeesheen degmada Caluula ee caasumada Maamul Goboleedka Raacasayr  ay kasoo saareen qodobo dhowr ah oo ay ka mid ahaayeen in Mas’uuliyiinta Maamulka Puntland aysan imaan karin degmooyinka iyo deegaanada ay ka taliyaan.

  1. Maamul goboleedka Raascasayr State waa Maamul goboleed ku dhisan oo ku salaysan Nidaamka Federaaliga ah islamarkaana ka tirsan dowladda KMG Soomaaliya.
  1. Mas’uuliyiinta Puntland sida Wasiirada, Xildhibaanada iyo kuwa kale ee ka tirsan Maamulkaasi inaysan soo gali karin deegaanka uu ka taliyo Maamulka Raascasayr  ilaa iyo inta ay ogolaasho ka helayaan Mas’uuliyiinta Maamulka Raascasayr  State.
  1. In Puntland ay ilaaliso daris wanaagga iyo is xaq dhowrka labada Maamul ee Raascasayr  iyo Puntland.
  1. La dagaalanka burcad badeeda iyo Maraakiibta xaalufinaayo Xeebaha deegaanka Raascasayr oo la’isla afgartay in hal meel loogu soo horjeesto kooxaha burcad badeeda Soomaalida.

Afhayeenka Maamulka Raasaccasayr  State ayaa waxaa uu sheegay in degaanada iyo degmooyinka ay ka taliyaan ay ku joogaan doorashada shacabka ku nool halkaasi, waxaana uu sheegay Afhayeenka in sababta Maamulka Puntland ay degaanadaasi ugu mamnuuceen ay tahay in Deegaanadaasi Yeesheen Maamul cusub islamarkaana Mas’uuliyiinta Puntland looga baahanyahay markii ay soo galayaan deegaanada ay codsi waydiistaan Maamulka Raasacaseer Sate.

C/rashiid Max’ed Yuusuf ayaa waxaa uu intaasi ku daray in intii Maamulkasi la dhisay ilaa iyo iminka aan wax xiriir ah yeelan Maamulka Puntland, isagoo sheegay in xiriirkaasi uu imaan karo markii la yeesho calaaqaad ka dhaxeeya labadaasi Maamul.

Xigasho Shabelle.net

Allcasayr .net

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s