Faroole, Wuu Ilaaway Puntland Inteeda Kale, wuxuuna Isku koobay Magaalada Garoowe ee Gobolka Nugaal

Waxaa manta magaalada Boosaaso soo gaaray madaxweyne ku xigeenka Puntland oo wata tikniko iyo ciidamo aad u fara badan, waxaana xog laga helay Wasaaradda Maaliyada Puntland ay sheegeysaa in safarka Madaxweyne ku xigeenka ee Garoowe ilaa Boosaaso ay ku baxday hanti dhan 46 kun oo Doolar, xiligaan oo shacabka deegaamada Puntland ay la il daran yihiin abaar baaxad leh oo saameysay miyiga iyo magaalooyinkaba

Dadka haraadka u liita ee Puntland ku dhaqan ayaan wax dhaqaale buuran ahi ka gaarin maamulka madaxweyne Faroole, waxaana hantida uu madaxweynaha Puntland ku aaday safarada dibadda dhowaan oo la sheegay in ay dhameyd 500 Kun oo Doolar iyo tan Madaxweyne ku xigeenku uu socdaalka dalka gudihiisa ku kala dhex gooshayo ayaa lagu qiyaasay in ay badbaadin laheyd xoolo abaartu dishay oo gaarayey 1900000 oo neef ama biyo ay cabaan lagu gaarsiin karay 13,000 oo qoys oo reer miyi ah.

Safarka ku xigeenka Faroole ee magaalada Boosaaso ayaa ku soo beegmay xili qayb ka mid aheyd gobolka Bari ay ku dhawaaqeen maamul madax banana oo lagu magacaabo Raas Caseyr State of Somalia.

C/samad Cali Shire wuxuu magaalada Boosaaso ka tegay wakhtigii uu dhamaaday dagaalkii ay Puntland la gashay ciidamadii Sheekh Maxamed Siciid Attam, dagaalkaasoo uu isagu ahaa ninka hogaaminayey, kuna soo afmeeray guul uu Madaxwyne Faroole sheegay in maamulkiisu uu kaga adkaaday kooxihii ka soo horjeeday hogaankiisa, haddaba, waxaa iminka la is weydiinayaa socdaalka Ini Cali Shire uu ku yimid Boosaaso ma wuxuu la mid yahay kii sanadkii hore oo markana muxuu u socdaa in uu soo afjaro dagaal uu la galo nimanka Siwaaqroon ee maamulka madaxa banana sheegtay, mise wuxuu u ceeb qarinayaa Madaxweyne Faroole oo ilaaway Puntland inteeda kale oo isku koobay magaalada Garoowe ee Gobolka Nugaal, mudo 2 sanadood ahna aan gaarin Birta Dheer iyo Sinijiif oo ah 2 tuulo oo garoowe ka aad ugu dhow, iskaba daa in uu booqdo magaalooyinka dhibaatooyinka amni xumo ay ku soo noqnoqonayeen ee Boosaaso, Gaalkacyo iyo Qardho. (Dalna Garoowe ayuu ka yaqaan dadna Aaran Jaan)

Haddaba, haddii ay arrintu noqoto mid colaadeed in safarka Madaxweyne ku xigeenku ku saleysan tahay oo ciidamo uu ugu dumayo degmooyinka Caluula iyo Baar-gaal ayaa la is weydiin karaa waxa dagaalkaas ka dhalan doono, ma wuxuu noqon doonaa kii Galgala oo kale oo Madaxweyne Faroole mar kale wuxuu idaacadaha kaga faani doonaa guul uu ku soo afmeeray colaadaas, mise jab iyo halaag ayaa kala kulmi doona Maamulka Faroole?

Waa su’aalo xiiso badan leh, una baahan in la baandheeyo, ugu horeyna dagaalkani marnaba la mid noqon mayo kii Galgala oo kale, oo arrintu waa qoys tashaday oo in ay tashadaan loo diidan yahay, dhul ahaana dhulka ay degsiimada Caseyr State of Somalia ay ku taal waamid istaraatiji ah oo aad uga fog magaalada Boosaaso 490 Km qiyaastii, ciidamada Puntland oo ku abtirsada shacabka reer Puntland ayay adkaaneysaa qudhoodu in ay dagaal beel lagu qaadayo ay si fudud uga qayb galaan, dhaqaalaha dagaalka deegaankaas aadka u fog lagu bixinayo oo ay adag tahay in uu maamulka Faroole helo iwm.

Isku soo wada duuboo, dhibaatada Puntland ka jirtaa ma aha oo keliya tan Raas Caseyr ee waa mid baaxad weyn leh, caasimadii gobolka Sool ee Laascaanood oo Garoowe u jirta in ka yar 100 Km weli way maqan tahay, loomana socdo in la aado, Gaalkacyo iyo qaybo badan oo Gobolka Mudug ka tirsana way guuxayaan, nabadgelyana way ku seexan kari la’yihiin, Degmada Dhahar iyo Karkaar waxaa ku soo kordhay colaad beeleed, Gobolka Bari meel dhegaha ayaa taagan codkuna waa ka soo bixi la’ yahay, Sanaag abaar ayaa daanduumisay, Haylaan………..

Faroole waxaa lagu sheegaa inuu yahay dadka aqoonta ku faana oo qof kasta oo uu neceb yahay wuxuu yiraahdaa hebel weligiis wax ma baran. Nin dadka aadka ugu dhow ahaan jiray wuxuu noo sheegay inuu dadka oo dhan caay iyo af xumo ku jaa’ifeeyo, lama orankaro waa Madaxweyne degen oo xasiloon oo qiimeynkara Dalka in la wadaago Aayahiisa iyo talada marka ay meel ciriiri ah gaadho. Habar aan magaceeda hayan ayaa oran jirtay Macangag maaro kama helo Nin rag waa kii garta ujeedooyinka Bulsho iyo rabitaanka Shacab dhinacay doonaan ka soo kala jeedaane.

Dhibaatada ugu weyn waxay tahay Gaadiidka shirkada saracen oo in ka yara xeradooda Gobolka Sanaag u jirta ayaa inta la dhinac mariyey oo booyado yar yar la saaray Nugaal dooxooyinkeeda oo dhan biyo reer walba kadinka albaabka loogu shibay, waxaa haraad iyo abaaro ku dhacaya Karkaar, Sanaag, iyo Bari sow taas lama orankaro waa Cadaalad daro aafo ku noqonaysa Maamulka Faroole. Alle dartiis markaan u hadalno ma waxaa eex ama qaraabo kiil gelikara Ummad abaaro isku si ugu dhifitay in loo kala eexdo.Haddaba, madaxweynaha reerkiisa wax matarin ee wuxuu siinayaa umad wax ka dhaxeeya oo maalinta dambe la isweydiinayo. Waxaan aniga kula talin lahaa reer Faroole Dhaqaale waad hesheen iyo maal badan intay goori goor tahay Dalkii aad ka timaadeen isaga noqda inta aanay Qamto idinku dhicin oo ummadda idinku kicin.

Wabilaahi Towfiiq

1 Comment

Filed under MAQAALO

One response to “Faroole, Wuu Ilaaway Puntland Inteeda Kale, wuxuuna Isku koobay Magaalada Garoowe ee Gobolka Nugaal

  1. acww dhamaan .
    waa uu ku mahadsanyay walaalka maqaalkan soo qoray si dhabta ah oo uu aga waramay shaxda puntland halka ay marayso dhankasta waa uu ka taabtay ,intaas oo idil ayaa ka jira xaaladuna in ay sii xumaato mooyee ka soo reen mayso ,rascaseyr state waxaan ka filaynaa in ay noqoto maamulka kaliya oo ay isugu soo biyo shubandoonto shacabwayna waalaalaha layahay ee aan wada degno inta ay haatan ku tilmaanto puntland,oo waliba aan xoreen doono laascaanooda maqan ,
    hiil iyo hoona siin doono gobolka koonfureed ee ay ilaaween.
    abdalla.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s