Boosaaso:Nabadoon u Dhashay Beesha Cali Saleebaan oo Lagu Diley Magaalaada Boosaaso

Kooxo hubaysan ayaa caawa Magaalada Boosaaso ee Xarunta gobolka Bari ku dilay Nabadoon caan ka ah Magaaladaasi, iyadoo sidoo kale la sheegay inay dhaawceen waxgarad kale.

Saaladii Maqrib kadib ayaa Caawa waxa ay kooxo hubaysan Magalaada Boosaaso ee Xarunta gobolkaBari ay ku toogteen Nabdoon caanka ahaa halkaasi oo lagu magacaabo Saciid Max’ed Saciid Kashwiito.

Naboonka ayaa la sheegay in xiliga la dilay uu kasoo baxayay mid ka mid ah Masaajidda ku yaala Magaalada Boosaaso ee Xarunta gobolka Bari, waxaana la sheegay in kooxihii gaystay falkaasi dilka ay isga baxsadeen goobtii ay ku dileen Nabaoonkaasi.

Wararku ayaa waxaa ay sheegayaan in kooxaha hubaysan ay sidoo kale dhaawac u gaysteen labo ka mid ah Nabadoonada ku dhaqan gobolkaasi, iyadoo jawaiga Magaalada Boosaaso uu caawa yahay mid kacsan.

Intaasi kadib ayaa la sheegay in ciidamada amniga ee Magaalada Boosaaso ay gaareen goobtii uu ka dhacay dilka iyo dhaawaca kuwaasi oo baadi goobaya raggii ka dambeeyay dilka loogaystay Marxuum Saciid Max’ed Saciid Kashwiito oo ahaa Nabadoon can ka haa Magaaladaasi.

allcaseyr.net

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s