Ahlu Sunna oo faahfaahin ka bixisay dagaalkii Dhuusamareeb

Guddoomiyaha maamulka Ahlu Sunna Wal-jamaaca ee magaalada Dhuusamareeb Macallin Cabdiraxmaan Cali Geeda-qorow ayaa faahfaahin ka bixiyay dagaalkii shalay magaalada ku dhexmaray iyaga iyo maleeshiyaadka Al Shabaab, isagoo sheegay in ciidamada Ahlu Sunna ay u awood sheegteen maleeshiyaadka Al Shabab ee weerarka soo qaaday.

Macallin Cabdiraxmaan oo wareysi siiyay Bar-kulan ayaa beeniyay wararka sheegaya in maleeshiyaadka Al Shabaab ay qabsadeen guud ahaan magaalada, islamarkaana ay bililiqeysteen xarumaha maamulka Ahlu Sunna iyo hay’adaha samafalka ee halkaasi ku sugan.

Guddoomiyaha Dhuusamareeb waxa uu sheegay in tiro ka mid ah maleeshiyaadka Al Shabaab lagu dilay dagaalkii shalay dhacay, iyadoo haatanna ciidanka Ahlu Sunna ay ku sugan yihiin meel 20 km u jirta dhinicii ay weerarka ka soo qaaday Al Shabaab.

Maxamed Geedo-qorow ayaa ku hanjabay inay weerar ku qaadi doonaan saldhigga ugu weyn ee Al Shabaab ay kaga leedahay gobolka Galgaduud.

Guddoomiyaha ayaa ku eedeeyay maleeshiyaadka Al Shabaab inay bililiqo u geysteen dugsiyo waxbarasho iyo goobo ganacsi oo ku yaallay magaalada, balse waxa uu sheegay in dadka shacabka ah ee magaalada ay badqabaan.

allcaseyr.net

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s