Xarkada Alshabaab oo la wareegtay Degmada Dhuusa-Marreeb

 Warar degdeg oo aan ka helnay Gobolka Galguduud  ayaa muujinaya in magaalada Dhuusa-marreeb ee xarunta gobolka Galgaduud ay la wareegtay Alshabaab.

Mid ka mid ah Dadka deegaankaa oo ay Hiiraan Online khadka taleefoonka ku waraysatay ayaa xaqiijiyay in Magaalada haatan lagu dhex arkayo ciidamada Alshabaab oo gacan ku haynta Magaalada la wareegay.

Waxaana uu sheegay in ciidamo aad u tira badan oo Alshabaab ah inay magaalada soo weerareen dagaal kadibna ay guud ahaanba Magaalada si sahal ah ku qabsadeen.

Goob joogaha oo diiday in Magaciisa la sheego, ayaa tilmaamay in khasaare uu jiro ka dhashay dagaalka balse uusan xaqiijin Karin inta khasaaraha uu le’egyahay.

Magaalada  Dhuusa-Marreeb waxaa horay gacanta ugu hayay  Ururka Ahlu- Sunna Waljaamaca oo Maamula inta badan Magaalooyinka Gobolka Galguduud.

Qabsashada Dhuusa-Marreeb oo ah  xarunta Gobolka Galguduud  Isla markaana ah Magaalo Istiraatiiji ah oo ku taalla Bartamaha dalka Soomaaliya ayaa noqonaysa Mid Dhabar- Jab ku ah Ururka Ahlu-Sunna Waljamaaca oo Baryihii ugu Dambeeyay ay soo baxayeen khilaaf u dhexeeya madaxda ugu sarreysa Ururkaas.

Xigasho Hiiraan Online

allcaseyr.net

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s