Jamhuuriya:Wasiirka Maaliyadda Maamul-Goboleedka Raascasayr State Oo Ka Warramay Damacooda.

Mr. Axmed Saleebaan, ayaa Jamhuuriya uga xog-warramay sababta xilligan keentay inay maamul ku dhawaaqaan iyo waxyaabaha ay damacsan yihiin.

Mr. Axmed Saleebaan oo ka mid ah hoggaanka sare ee maamul-goboleedka Raas-casayr oo isaga oo ku sugan magaalada caluula ee xarunta u ah maamulkooda khadka telefoonka kula soo xidhiidhay weriyaha Jamhuuriya ee Gobollada Bariga Somaliland Mr. Kayse Axmed Digaale, waxa uu uga warramay sababaha xilligan keenay in maamul-goboleed cusub lagaga dhawaaqo degaankaas oo ka madaxbannaan Puntland iyo magacyada hoggaanka cusub ee la doortay, isaga oo xusay inay damacsan yihiin sidii ay wax ugu qaban lahaayeen ummaddooda, isla markaana u dhisan lahaayeen maamulkooda la baxay Raas-casayr State of Somalia.

Maamul-goboleed cusub ayaa lagaga dhawaaqay degaannada dhinaca bari ee Puntland, kaasoo loo bixiyay Raas-caseyr, isla markaana ka madaxbannaan maamulka Puntland.

Maamulka cusub ee laga yagleelay degaannada bariga Puntland oo lagaga dhawaaqay shir Axaddii toddobaadkan ka dhacay magaalada Caluula, waxa kaloo lagu doortay Madaxweyne iyo Madaxweyne-ku-xigeen cusub oo maamulkaas si ku-meel-gaadh ah u hoggaamin doona muddo aan la cayimin.

“Sababata keentay inaanu ku dhawaaqno maamul cusub, kana go’no Puntland, waa markii degaankaasi noqday mid ay waxba u qaban waayeen maamulka Faroole, isla markaana degaankaas ka dhigeen inuu yahay degaan argagixiso, budhcad-badeed iyo meel aanay tegi karin hay’adaha samafalku, ayaa waxaannu goosanay in aannu ummaddayada wax u qabano ku dhawaaqno maamulkan cusub,” ayuu yidhi Wasiirka Maaliyadda ee maamul-goboleedka cusub.

Mr. Axmed Saleebaan waxa uu intaa ku daray in maalintii Axadda ee bishan April ahayd 17 2011 ay ku dhawaaqeen in labada gobol ee Bina iyo Boolimoog oo ay hoosyimaaddaan toddoba degmo ka hoos-baxeen maamul-goboleedkii Puntland, samaysteenna maamul-goboleed cusub oo la yidhaa Raas-caseyr, “Shirkii go’aankaas lagu gaadhay waxa ka qaybgalay qaybaha kala duwan ee bulshada degaankaas, waxana lagu qabtay shirkaas magaalada Caluula oo ah caasimadda maamul-goboleedkaas cusub, waxaana madaxweyne loogu doortay maamulkaas inuu u noqdo Faarax Maxamuud Yuusuf (Doox-joog), ku-xigeenna Barre Faatax Maxamud. Sidoo kale waxa Wasiirka Maaliyadda loo doortay Axmed Saleebaan, Wasiirka Warfaafintana Cabdirashiid Yuusuf, laakiin dhammaantayo waxaannu nahay ku-meel-gaadh oo doorasho ayaa laysugu imanayaa,” ayuu yidhi Mr. Axmed Saleebaan.

Waxa kaloo uu xusay in go’aamadii ka soo baxay shirkii lagu qabtay magaalada Caluula oo ka koobnaa 18-qodob ay u kala direen UN-ka iyo dawladda ku-meel-gaadhka ah ee Soomaaliya, kuwaasoo uu sheegay inay la socodsiiyeen maamul-goboleedka cusub ee lagaga dhawaaqay degaannada bariga Puntland.

Xigasho:Jamhuuriya

allcaseyr.net

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s