Dagaallo ciidamada DKMG ah iyo Xarrakatul Shabaab ku dhexmaray degmooyinka Luuq iyo Ceelwaaq ee gobolka Gedo

Dagaallo iyo duqeymo culus oo ciidamada dowladda KMG ah iyo xoogagga Xarrakatul Shabaab ku dhexmaray duleedyada degmooyinka Ceelwaaq iyo Luuq oo ka tirsan gobolka Gedo gallinkii dambe ee shalay iyo xalay ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac soo kala gaartay dhinacyadii dagaalamay.

Inta la ogyahay 11-qof oo ciidamadii dagaalamay ka tirsan ayaa ku dhintay labadan dagaal oo ahaa kuwo culus, iyadoo aan la ogeyn tirada dhaawaca, waxaana guulo ka kala sheegtay dagaalladaas dowladda KMG ah iyo Xarrakatul Shabaab.

Dagaal shalay gallinkii dambe ka dhacay deegaanka Buusaar oo 40-km bari kaga beegan degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo ayaa waxaa ku dhintay sideed qof inta la oghayay, dagaalkan oo daba socday dagaallo labadii maalmood ee ka horreeyay dhinacyadan ku dhexmaray deegaannadaas.

“Khasaare xooggan ayaan dagaalkaas ugu geysannnay xoogagga Al-Shabaab, sidoo kale dhankeenna waxaa jira khasaare naga soo gaaray dagaalka,” ayuu yiri Axmed Max’ud Cabdi (Carab) oo ka mid ah saraakiisha DKMG ah ee ku sugan degmada Ceelwaaq oo la hadlya saxaafadda dagaalka kaddib.

Afhayeenka Xarakada Shabaab ee dhinaca ciidamada Sheekh C/casiis Abuu-Muscab oo isaguna ka hadlay dagaalka ayaa sheegay inay iska caabiyeen saddex weerar oo ay kusoo qaadeen ciidamada DKMG ah ayna khasaare xooggan u geysteen, iyaguna ay gacanta ku hayaan tuulooyinkii lagu dagaalamay.

Dhanka kale, dagaal iyo duqeymo xalay ku dhexmaray degmada Luuq ciidamada DKMG ah iyo xoogagga Xarrakatul Shabaab ayaa waxaa ku dhintay saddex qof inta laga warhayo, iyadoo madaafiic lagu duqeeyay degmadaasna la sheegay in qaar ka mid ah ay ku dhaceen saldhigyo ciidan.

Saraakiil u hadlay dowladda Soomaaliyo iyo Xarrakatul ayaa guulo ka kala sheegtay dagaalkii iyo duqeyntii xalay ku dhexmaray degmada Luuq, iyadoo xaaladdu tahay mid daggan ayna degmada gacanta ku hayaan ciidamada DKMG iyo kuwa Ahlusunna Waljamaaca.

Ma jiraan warar madaxbannaan oo xaqiijinaya khasaaraha ka dhashay dagaalladaas oo ahaa kuwo culus iyo cidda gacanta ku haysa deegaannadii lagu dagaalmay ee ka tirsan degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo, marka laga soo tago sheegada labada dhinac.

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s