Mid Ka Mid Ah Mas’uuliyiintii Degmada Gaalkacyo Ee Xilka Laga Qaadey Oo Dhaliilo Ujeediyay Puntland

Gudoomiye xigeenkii Golaha Deegaanka degmada Gaalkacyo Mudane Axmed Muuse Nuur oo ka mid ahaa mas’uuliyiintii degmada Gaalkacyo ee shalay xilka laga qaadey ayaa dhaliil u jeediyay maamulka Puntland.

Mudane Axmed Muuse ayaa saacado kadib markii xilka laga qaadey waxaa uu warbaahinta u sheegay in maamulka Puntland uusan waxba ka qaban arimaha amaanka iyo horumarka magaalada Gaalkacyo.

Gudoomiye xigeenka Golihii deegaanka Gaalkacyo ee lakala diray ayaa waxaa uu sheegay in degmada Gaalkacyo aysan joogin ciidamo ku filan oo diyaarsan, in degmadu aysan laheyn gaadiid ciidan oo amaanka kaalin ka qaata, wuxuuna arimahaasi dhamaantood ku eedeeyay Puntland in ay ka gaabisay.

Mudane Axmed waxaa uu intaa raaciyey in dad dambiilayaal ah oo laga soo daadgureeyo magaalooyinka Boosaaso iyo Garowe in la keeno magaalada Gaalkacyo iyadoon la tixgelineyn shacabka Gaalkacyo iyo mas’uuliyiintooda, taasi oo uu ku tilmaamay in ay qeyb ka tahay dayaca Puntland ay ku sameysay gobolka Mudug.

Hadalada iyo dhaliilaha uu soo jeediyay Mudane Axmed Muuse ayaa waxay imanayaan xilli saacado ka hor la kala diray Golihii deegaanka ee uu mas’uuliyiinteeda ka mid ahaa Axmed Muuse, waxaana isweydiin mudan in Axmed aysan arimahaani u muuqan oo uusan ka hadlin intii uu hayey xilka maamulka Golaha Deegaanka degmada Gaalkacyo iyagoo xilligaasi ahaa Wakiilada shacabka Gaalkacyo.

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s