Madaxweyne Shariif oo sheegay in uu ogolyahay doorashada

Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya ayaa sheegay in uu ogolyahay doorasho ka dhacda dalka Soomaaliya, isagoo dhinaca kale tilmaamay in Ciidamada dowladda ay guulo ka gaareen dagaaladii ka dhacay qaar ka mid ah gobolada Soomaaliya.

Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo maanta kulamo kula qatay Xarunta Villa Soomaaliya ee Magaalada Muqdisho, xubno ka tirsan golaha Wasiirada Xukuumadda iyo labo boqol Xildhibaan oo ka tirsan barlamanka Soomaaliya ayaa waxaa uu sheegay in xiligi dowladda KMG uu yahay mid gabaabsi ah, isagoo xusay in loo baahanyahay in uu jiro hanaan dowladdnimo maadaama dalka ay kajiraan abaaro, colaad iyo barakac taasi oo loo baahanyahay in dowladdu ay wax ka qabato.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ka dhaawajiyay in uu ogolyahay doorasho ka dhacdo dalka Soomaaliya, waxana uu meesha kasaaray wararka sheegayay in Madaxweynaha uusan ogalayn in doorasho xiligaan la qabto, isagoo dhinaca kale ku dheeraaday ka hadalka marxadladda kala guurka iyo is fahan waaga ka dhextaagan Xukuumadda KMG iyo Barlamanka Soomaaliya, wuxuuna shaaca ka qaaday in barlamanka uu yahay Hay’adda sharci dajinta islamarkaana looga baahanyahay in uu dhowro sharciga.

Madaxweynaha Soomaliya ayaa waxaa uu carabka ku adkeeyay in lagama maarmaan ay tahay inay wada hadlaan Xukuumadda KMG iyo barlamanka, isagoo tilmaamay in hadii taasi la waayo ay suurto gal tahay in uu burbur ku yimaado Hay’adaha dowladda Federalka Soomaaliya.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa sidoo kale waxaa uu ka hadlay  dagaalada ay dowladda kula jirto Xarakada Shabaab, waxaana uu sheegay in ciidamada dowladda ay guulo la taaban karo ka gaareen dagaaladii u dameebayay ee ka dhacay gobolada qaar ee dalka Soomaaliya.

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s