Madaxweyne Sheekh Shariif oo sheegay inuu yahay murashax u taagan xilka madaxnimo ee Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo maanta kulan ku yeeshay Muqdisho in ka badan 100-xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay inuu ka qaygalayo doorashooyinka madaxnimo ee dalka ka dhacayay, balse ay tahay in marka hore hal dhinac la isku raaco.

Sheekh Shariif oo hadal u jeediyay mudanayaashii uu la kulmay ayaa sidoo kale ka hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin xaaladda uu dalku ku sugan yahay iyo khilaafka u dhexeeya hay’adaha sare ee DKMG ah, isagoo xusay in doorashooyin la qabto ay ka horreyso in la xalliyo khilaafka u dhexeeya hay’adaha dowladda.

“Aniga waxaan diyaar u ahay inaan ka qaybgalo doorashada madaxnimo ee dalka, waayo madaxweyne doorasho ayuu ku yimaadaa – mana diidi karo, balse waxaa loo baahan yahay in marka hore ay is-waafaqaan hay’adaha DKMG go’aan wadajir ahna la gaaro muddo kordhinta markaas kaddibna laga hadlo doorasho,” ayuu yiri madaxweyne Sheekh Shariif.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay inaan lagu mashquulin doorasho, balse ay tahay in marka hore la xalliyo khilaafka u dhexeeya hay’adaha dowaldda, sidoo kalena aysan doorashadu carqalad ku keenin howlaha dowladda Soomaaliya.

“Haddii baarlamaanku uu si gooni ah xilliga u kororsado, xukuumadduna ay si gooni ah xilka u kororsato taasi ma suurogalayso, waxaa loo baahan yahay in si wadajir ah la isugu raaco muddada ay xukuumadda iyo baarlamaanku shaqeynayaan, idinka ayaa ah xildhibaannadii baarlamaanka waxaana la idinka doonayaa inaad go’aan ka gaartaan muddo kororsiyada ay xukuumadda iyo baarlamaanku sida kala goonida ah ugu kala dhawaaqeen, howshaasna waa billowdeen waxayse u baahan tahay dhameystir,” ayuu Sheekh Shariif mar kale yiri.

Madaxweyne Sheekh Shariif ayaa hadalkiisa ku sheegay inaysan jirin hay’ad si gaar ah u kororsan karta xilligeeda, balse loo baahan yahay inay kala tashado hay’adda kale, si howsha la qabanayo ay u noqoto mid xalaal ah.

Waa markii ugu horreysay oo madaxweynaha Soomaaliya uu sheego inuu yahay murashax u taagan xilka madaxnimo ee lagu qabanayo gudaha dalka, isagoo xusay in loo baahan yahay in baarlamaanka iyo xukuumaddu ay doorashada go’aan wadajir ah ka gaaraan.

Hadalka madaxweyaha ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo dhawaanahan uu jiray khilaaf ka dhashay muddo kororsiga baarlamaanka Soomaaliya iyo xukuumadda oo hay’adaha dowladda u dhexeeyay, kaasoo cirka isku sii shareeyay markii Afhayeenka baarlamaanka uu ka qaybgalay shirkii ka dhacay Nairobi.

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s