Maakhir State Madaxwayniheedii oo Casumaad ka Helay TFG

Madaxwaynihii Maamulka Maakhir StateMudane Coll Jibriil Cali Salaad ayaa Casumaad Rasmi ah ka Helay Xukuumada dhexe ee TFG halkaasi oo uu aadayo dhawaan, Warka aanu Helayno ayaa sheegaya in Raisalwasaaraha Somaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu casumaad u dirtay Masuulkaasi isaga oo qaar ka mid ah xubnaha Maamulkiisa.

Casumaadaasi loo Fidayay Maamulka Maakhir State waxa ka shaqeeyay oo soo dhirin dhiriyay Xildhibaano ka Tirsan Baarlamaanka oo Deegaankaasi ka soo Jeeda kuwaasi oo doonaya inay  Dawlada TFG iyo Maamulkaasi  ay wada Gaadhaan Hashiis Rasmi ah Ujeedka Safrakaasi ayaa ah Mid looga dan leeyahya in Dawlada dhexe ay saxiib dhow la yeelato Maamul Goboleedyada Somaliya Madaama xiligan Puntland ay Siyaasada ku kala Fogaadeen.

Jibriil Cali Salaad ayaa la sheegay in Diyaarad Nooca  Yar Yar ah uu ka Raacayo Magaalada  Ceelbuh Garoon  Kooban oo ku Yaala kaasi oo dhawaan dadka degmadu ay Dibu Habayn ku Sameeyeen.

Maamulkan ayaa lagu dhawaaqay Sanadkii 2007- waxana Abaabulkiisa iyo dhismaha Maamulkaasi lahaa qurba Joogta deegaanka  Kuwaasi oo Gar waaqsaday inay dhistaan Maamul Gooni markii Hashiiskii PL Lagu dhisay 1998- uu Bur Buray, iyaga oo ka  ka Tusaale qaadanaya Baaxada deegaankaasi iyo Khayraadka uu leeyahay taasi oo u Saamaxaysa in Maamul ka dhiso.

Dhawaan ayaa Deegaanada Bari Looga dhawaaqay Maamul kale oo Sadexeeya Kuwii Horay u Jiray sida Maakhir State iyo Maamulka Reer Sool, iyo Cayn ay dhisteen kaasi oo Guula Gaadhay isna.

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s