Dagaal qasaaro gaystay oo ka dhacay deegaano hoostaga Dhooblay

Dagaal gaystay qasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac una dhaxeeyay Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya iyo Xarakada Al Shabaab ayaa maanta waxaa uu ka dhacay deegaano hoostaga degmada Dhoobley ee gobolka Jubada Hoose.

Sida ay sheegayaan wararka naga soo gaaraya degmada Dhooblay ee gobolka Jubada Hoose, dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya iyo kuwa Shabaab ayaa ka qarxay Tuulooyin hoostaga degmada Dhooblay ee gobolka Jubada Hoose.

Dagaalka oo la sheegay inay qaadeen Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya ayaa waxaa uu qarxay kadib markii ciidamada dowladda ay gaareen Deeganada Shabax iyo Jilma oo sida la tilmaamay 100-KM oo dhinaca degmada Afmadow kaga beegan degmada Dhoobley ee gobolka Jubada Hoose.

Dagaalka oo saacado badan qaatay ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen afar ka mid ah ahaa dhinacyadii dagaalamay halka 8-kalana ay ku dhaawacmeen kuwaasi oo qaarkood dhaawacyadoodu lagaarsiiyay degmooyinka Kismaayo iyo Dhooblay.

Majiraan wax war ah oo kasoo baxay Saraakiisha Shabaab hase ahaatee xiriiro kala duwan oo aanu lasamaynay Saraakiisha Ciidamada dowladda  KMG Soomaaliya ayaa waxaa ay dagaaladii ugu dambeeyay ee maanta ka dhacay deegaanada Hoostaga degmada Dhooblay ay ka sheegteen guulo la taabankaro.

Sarkaal diiday in magaciisa la shaaciyo oo la hadlay Idaacadda Shabelle islamarkaana ku sugan degmada Dhooblay ayaa waxaa uu sheegay in Ciidamada dowladda KMG ay gacanta ku dhigeen Saraakiil ka tirsan Shabaab ayna dileen dagaalyahano ka mid ah Shabaab sida uu hadalka u dhigay, iyadoo aan jirin ilo ka madaxbanaan oo xaqiijinaya Guulahaasi.

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s