Dr Bare Faatax”Puntland Waa Maamul aanu Darisnahay”

Maamul Goboleed cusub oo loo bixiyey Raascaseyr State, ayaa lagu dhaawaqay maanta, waxaana madaxweyne loogu doortay Faarax Maxamuud Yusuf (Dooxa-joog) halka kuxigeena laga dhigay Dr. Barre Faatax.

Madaxweynaha cusub ee mamulkan Raascaseyr, wuxuu xil wasiirnimo ka heyn jiray dowlada Puntland, wuxuuna ka mid ahaa aqoonyahano kasoo jeeda beelaha raascasayr  oo sanadkan gudihiisa shir ugu soo dhamaaday degmada Baargaal.

Soo Shaacbixida maamulkan ayaa in muddo ah la hadal-hayey, waxaana sida la sheegay ugu dambayn la go,aansaday in lagu dhawaaqo 18kii bishan April.

Hadaba si aanu faah-faahin dheeraad ah ugu ogaano ujeedada iyo hadafka loo unkay maamulkan cusub, iyadoo beeshani hormuud u tahay beelihii ku bahoobay maamulka Puntland ayaa waxaa su,aashaas weydiinay Dr. Barre Faatax ” Waxaan goosanay inaan yagleelno maamul ka madxbanaan Puntland, oo daris wadaag la ah, markii aan ka aamin baxnay dowlada Puntland oo iyadu haba-yaraatee aan wax dan ah gobolkeena u hayn”. ayuu yiri Madaxweyne xigeenka cusub oo isagu xafladiisa caleema saarka lagu qaban doono magaalada London, halka Faarax dooxajoogna uu magaalada Caluula haatan ku sugan yahay.

Dhanka kale idaacad VOA ayaa wareysi ay la yeelatay madaxweynaha maamulka Caseyr-land wuxuu faah-faahin dheer ka bixiyey sababihii ku kalifay inay abaabulaan maamul ka gooni ah kan Puntland.

”Laba shir baa la qabtay, waxaa kulmay qurabjoogta iyo dadka kale ee gudaha ku nool, sababta waxay ahayd in la sameeyo laba Gobol oo lakala yiraahdo Gobolka Binna oo caasimaddiisu ay tahay Baargaal iyo gobolka Boolimoog oo caasimaddiisu tahay magaalada Caluula”. ”Jahli iyo cuduro ayaa halkaas ka jira dowladu waligeed ma soo eegin, bil walba haween ayaa ku umula badda korkeeda iyagoo loo sii wado Boosaaso, runtii waxaa jirta baahi aan u qabnay in goboladaas wax loo qabto” sidaas waxaa VOA u sheegay madaxweynaha Caseyr-land.

”Aniga madaxweyne ayaa la ii doortay (Farax dooxa joog) kuxigeena waa Barre Faatax” ”Maamulka Puntland dheg uma jalaqsiin codsiyo badan oo aan u gudbinay, dhawaana xataa markii aan madaxda Puntland u tagnay waxay noogu jawaabeen aflagaado iyo bahdil” ayuu mar kale ku jawaabay.

Faarax dooxa joog ayaa isagoo ka jawaab celinayey su,aal ahayd inay wali hoos iman doonaan maamulka Puntland ayaa ku jawaabay:-

”Maamulka Puntland waaan ka madaxbanaanahay, totatly ma hoos imaano maamulka Puntland, waxaan sugaynaa dowlada dhexe oo federaal ah.”

Sidoo kale Masuulkan ayaa xaqiijiyey xariga nin aqoon yahan ah oo lagu magacaabo C/laahi Maxamed Ciise, kaasoo maalmihii u dambeeyey ku xirnaa xabsiga magaalada Garoowe, aqoonyahankan ayaa isaguna kasoo jeedaa beelaha ku dhawaaqay maamulkan cusub.

Dad badan ayaa saadaalinaya inay arrintani tahay bilowga kala xarig furasho ku timid maamulkii Puntland ee la unkay sanadii 1998dii.

allcaseyr.net

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a comment