Dowladda Imaaraadka Carabta oo dawooyin iyo qalab caafimaad ugu deeqday shacabka Soomaaliyeed

Dowladda Imaaraadka carabta ayaa dawooyin iyo qalab caafimaad ugu deeqday shacabka Soomaaliyeed kuwaasoo ay soo marisay dowladda KMG ah ee Soomaaliya sida lagu sheegay war maanta oo Talaado ah lagu daabacay wakaaladda wararka ee dalka Imaaraadka Carabta WAM.

Deeqdan ayaa la sheegay inay ka kooban tahay dawooyin iyo qalab caafimaad ayna ku jirto saddex konteenar, kuwaasoo laga dajiyay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho kaddib markii laga soo duuliyay garoommo magaalooyinka Cadan, Mukallah iyo Sanca ee dalka Yemen.

Madaxweynaha Soomaailya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay inuu soo dhaweeyay deeqdaas uuna uga mahadceliyay madaxweyaha dalka Imaaraadka iyo mas’uuliyiinta kale ee dalkaas, isagoo sheegay inay tahay gargaarka aadamnimo oo ay shacabka Soomaaliyeed u baahnaayeen.

Sidoo kale, wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Oomaar oo isaguna hadlay ayaa uga mahadceliyay dalka Imaaraadka gargaarka caafimaad ee ay u fidiyeen shacabka Soomaaliyeed, isagoo sheegay in gargaarkan uu soo gaaray iyadoo dadka Soomaaliyeed ay baahi weyn u qabaan.

Dalka Imaaraadka Carabta ayaa horay u soo gaarsiiyay dalka raashin kala duwan oo uu ugu deeqay shacabka Soomaaliyeed, kaasoo loo qaybiyay dadka barakacayaal ah oo ku sugan kaamam ku yaalla magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Sheekh Shariif iyo wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya ayaa waxay labaduba sheegeen in Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta uu u dhexeeyo xiriir wanaagsan.

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s