Xaflad sagootin ah oo galabta xafiiska Ra’iisul Wasaaraha loogu sameeyey Gabdhaha Kubadda Koleyga ee Muqdisho (Sawiro)

Xaflad sagootin ah ayaa galabta loogu sameeyay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Gabdhaha Kubadda Koleyga (Bassket ball)  ee Muqdisho City kuwaasoo maalinta berri ah la filayo inay ka ambabaxaan magaalada Muqdisho iyagoo ku sii jeeda magaalada Nairobi ee dalka Kenya halkaasoo ay uga qeyb galayaan tartanka Intercity Cup (Caasimaddaha) oo 19.04.2011 halkaasi ka furmi doona.

Munaasabadan sagootinta ah ayaa waxaa soo qaban qaabiyay maamulka gobolka Banaadir iyadoo ay goob joog ahaayeen Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo, Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda Muqtaar Sh. Shuute Sh. Cali Maye, guddoomiye kuxigeenka maamulka gobolka C/kaafi Hilowle, Guddoomiyaha Oleympicada gobolka Banaadir Mr. C/xakiin waxaana halkaasi loogu jeediyay Gabdhaha K/Koleyga ee Muqdisho City dardaaran iyo dhiirigelin.

Wasiir kuxigeenka Maaliyadda Mudane Muqtaar Sh. Shuute oo goobta ka hadlay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu arko gabdho sedan isugu xiran oo ka qeybgalaya kulan wadamada Afrika ay ku tartamayaan Kubadda Koleyga wuxuuna u rajeeyey inay ka soo hooyaan guul, isagoo kula dardaarmay inay tafaraaruqa iska illaaliyaan.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Maxamed Cabdullaahi oo isna la hadlay Gabdhaha K/koleyga ayaa u sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu arko Gabdho Soomaaliyeed oo diyaar u ah inay ka qeybgalaan Kulan ay ku tartamayaan Caasimaddaha ayna matalaan Caasimadeena Muqdisho wuxuuna kula dardaarmay inay dedaal dheeri ah muujiyaan si ay u hantaan Koobka.

Gabdhaha K/koleyga ee Muqdisho City ayaa waxaa tababare u ah gabadha lagu magacaabo Faadumo Aweys Muudey oo ah gabar caan ku ah ciyaarta K/koleyga  waxaana tababare kuxigeen u ah Carfoon Weheliye, halka Mulki Nuur Muudey oo loo yaqaano (Mulki Jeenyo) ay ka mid tahay ciyaartoyda kooxda oo iyaduna ka mid aheyd xidigihii kooxdii K/koleyga ee Naadigii Jeenyo.

Ugu dambeyntiina Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Mudane Muqtaar Shuute ayaa u balan qaaday in Wasaaradu ay ka caawin doonto kooxda dhanka Tashiilaadka si loo kobciyo Mooralka gabdhaha K/koleyga ee Muqdisho City, waxaana sidoo kale taageero dhaqaale u fidiya kooxdan Maamulka Gobolka Banaadir.

Garad Salad Hersi

Press Officer office of the Prime Minister

Mobile: +252-615536608

+252-6-2536608

Mogadishu, Somalia

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s