Dagaal qasaaro gaystay oo ka dhacay Muqdisho iyo guulo lakala sheegtay

Dagaal sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa maanta ciidamada dowladda KMG Soomaaliya oo garabsanaya kuwa AMISOM iyo Xarakada Al Shabaab ku dhexmaray Xaafado ka tirsan degmooyinka Hodan iyo Howlwadaag, iyadoo dhinacydaasi guulo ay ka kal sheegteen dagaaladaasi.

Dagaalkaani oo u dhaxeeyay Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo isku dhinac ah iyo Xarakada Al Shabaab ayaa waxaa uu ahaa mid aad culus kaasi oo qarxay kadib markii maanta Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda weeraro ay ku qaadeen fariisimo nawaaxiga Isgoyska Dabka ay ku lahaayeen Ciidamo ka tirsan Shabaab.

5-qof oo rayid ah ayaa ku dhintay ku dhawaad 10-kalana way ku dhaawcmeen dagaalkii maanta xaafadaha degmooyinka Hodan iyo Howlwaag ku dhexmaray ciidamada dowladda oo kaashanaaya kuwa AMISOM iyo Xarakada Shabaab, iyadoo sidoo kale ay jiraan qasaarooyin soo kala gaaray dhinacyadii dagaalamay.

C/laahi Macalin Nuur oo ka mid ah Saraakiisha Ciidanka dowladda oo aga gaarka Isgoyska Dabka ee Magaalada Muqdisho kula haladay warfidiyeenada ayaa waxaa uu sheegay in dowladda iyo AMISOM ay weeraro ku qaadeen fariisimo Al Shabaab ay ku lahaayeen nawaaxiga Isgoyska dabka islamarkaana ay la wareegeen fariisimahaasi.

Sarkaalkaasi ayaa waxaa uu sidoo kale sheegay inay dileen dhowr dagaalyahano oo ka tirsan Shabaab gacantana ay ku dhigeen Maxaabiis ka tirsan Shabaab  iyo kuwa dhaawac ah oo uu sheegay inay goor dhow  soo bandhigi doonaan sida uu hadalka u dhigay.

Max’ed Abuukar Cali oo loo yaqaano (Jacfar) oo ah gudoomiyaha degmada  Howlwadaag ee gobolka Banaadir oo la hadlay wariyeyaasha ka howlgala Maaalada Muqdisho ayaa waxaa uu sheegay in ciidamada dowladda iyo AMISOM ay weerar ku qaadeen  Isgoyska Dabka gaar ahaan Iskuulka Dhagaxtuur oo uu tilmaamay inay firiisimo ku lahaayeen Ciidamada Shabaab islamarkaan ciidamada dowladda iyo AMISOM ay ay la waregeen ay fariisimahaasi.

Afhayeenka Ciidamada Xarakada Al Shabaab Sheekh C/casiis Abuu Muscab oo barqo nimadii maanta la hadlay warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in uu dhicisoow duulaan Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda ay ku qaadeen fariisimo Shabaabku ay ku lahaayeen nawaaxiga Isgoyska Dabka, isagoo tilmaamay inay iska difaaceen weerarkii lagu qaaday Ciidamadooda sida uu hadalka u dhigay.

Marka laga soot ago hadalada kala duwan ee kasoo baxaya dhinacyadii dagaalamay iyo dagaalka maanta dowladda ay ku qaaday fariisimaha Al Shabaab ayaa waxaa xusid mudan in qasaaraha uu gaaray dadka rayidka ah ee dhinacyadii dagaalamay rasaastoodu ku haleeshay goobihii lagu dagaalamay iyo meelo ka baxsan.

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s