Wax garadka jaaliyada beelaha Siwaaqroon ee ku dhaqan wadakna Egland ayaa shir ay shalay yeesheen dhaleecayn kulul dusha uga tuuray Maamulka Faroole xarigi ay u gaysteen Afhayeenka Gobolka Raascasayr Prof : C/laahi Maxamed Ciise (Laasarooni) oo shalay lagu xiray magaalada Gaalkacayo .
Xariga Profassorka ayay ku tilmaameen wax garadki shirkaas isugu yimi inuu yahay mid gardaro ah waxayna sidoo kale sheegeen in Madaxda Puntland ay ka shaqaynayaan isku dhac .
Waxayna u soo jeediyeen in si dhaqso ah Profassorka xoriyadiisa loo siiyo .
Allcaseyr.net
Advertisements