Maxkamada Hargeysa oo Xukuno ku Riday Nin Sheegtay ‘NABINIMO’

Maxkamada degmada Hargeysa ee maamulka Somaliland ayaa xukuno ku riday eedeysane dhowaanahan dacwadiisu ka socotay maxkamada oo sheegtay inuu yahay NABI KHADAR.
Maxkamada ayaa baaritaan dheer ku waday maalmahanba ninkan oo lagu magacaabo Shariif Axmed Cabdi oo sheegtay inuu isagu yahay Nabi Khadar isla markaana lacago iyo alaabo kale uu dad ku sugan Somaliland iyo deegaano ka tirsan gobolka Soomaali Galbeed kaga qaatay.
Gudoomiyaha maxkamada Hargeysa C/rashiid Maxamed Xersi ayaa sheegay in maxkamadu heshey cadeymaha eedaha ninka loo jeediyey kadib baaritaankii ay sameeyeen, wuxuuna gudoomiyuhu cadeeyey dhowr arimood sida:-
-In ninkan uu dadka u sheegay inuu yahay Nabi Khadar.
-In uu sheegtay in roobka uusan iman doonin illaa 8 bilood.
-In lacago iyo hanti kalaba uu dad uga qaatay qaab sharci daro ah oo ka baxsan shareecada.
-Inuu ninkani dadka tusi jirey ul yar oo uu ku sheegi jiray inay daliil u tahay sheegashadiisa.
Waxaa sidoo kale maxkamadudhegeysatay dad markhaatiyaal ah oo ninkan la kulmay mudadii uu joogay Hargeysa, waxayna qaarkood sheegeen inuu dad sixray oo uu ka qaatay lacago iyo inuu sheegtay inuu yahay MAHDIGII uuna daweyn doono cuduro badan sida AIDS-ka iyo Fiixda.
Waxaa iyana jiray markhaatiyaal haween ah oo sheegay in guryahoda uu u soo hoyday habeen dhan uuna halkaa deganaa, iyagoo sheegay inu ninkan uu u sheegay in uu wato 20,000 oo malaa’ig oo isaga la socota.
Maxkamada ayaa shalay gelinkii dambe ku dhawaaqday xukun isugu jra xarig 2 sano ah, musaafirin iyo ganaax lacageed oo dhan 2 milyan oo lacagta Somaliland ah, siduu sheegay gudoomiyaha maxkamada Hargeysa.
Shariif Axmed Cabdi oo ah ninka xukunku ku dhacay ayaa maxksmadaweydiistay in la dhaariyo markhaatiyaasha balse maxkamada ayaa diiday dalabkiisa.
Ma aha markii ugu horeysay oo qof fal noocan oo kale ah ku shaqeysta uu dad lacago kaga qaato deegaanada Somaliland, waxaana jirtey in sanad ka hor haween fara badan oo ku nool magaalooyin kala duwan laga qaatay lacago

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s