Masaajid labaad oo Gaalkacayo ku yaal oo dableey hubaysani weerareen

Dabley hubaysan ayaa saakay weerar sababay dhimasho iyo dhaawac mar kale  kale ku qaaday Masjid ku yaala Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta gobolka Mudug.

Dabley hubaysan ayaa saakay weerar ku qaaday mid ka mid ah Masjida ku taala Woqooyiga Magaalada Gaalkacyo islamarkaana lagu magacaabo Al-Faaruuq kaasi oo ku yaala Xaafadda Garsoor ee Magaalada Gaalkacyo.

Dabaleyda ayaa la sheegay in weerar  culus ay ku qaadeen gudaha Masjidka, iyagoo ku dilay hal qof halka labo kalena ay ku dhaawaceen kuwaasi oo dhamaantooda ahaa dadkii ku Dukanayay Masjidkaasi sida uu Idaacadda Shabelle u xaqiijiyay mid ka mid ah dadka deegaanka ah.

Wararka naga soo gaaraya gudaha Masjidkaasi ayaa waxaa ay sheegayaan in dableydii hubaysneyd ay sii wateen ilaa dhowr Wadaad oo Salaaddii Subax ku Dukaday Masjidkaasi kuwaasi oo ilaa iyo iminka aan la garanayn halka ay la’aadeen.

Hase ahaatee intaasi ka dib ayaa Ciidamada Booliska ee Maamulka Puntland waxaa ay gaareen Masjidka rasaasta lagu furay, iyagoo halkaasi ka bilaabay howlaglo xoogan oo ay kui baadi goobayaan  kooxihii ka dambeeyay weerarkaasi inkastoo aysan u suurta galin inay gacan ku dhigaaan dableydii ka dambaysay weerarkaasi.

Falkaani lagu rasaaseeyay saakay Masjid ku yaalla Xaafadda Garsoor ee Magaalada Gaalkacyo ayaa kusoo beegmaya waxyar kadib markii habeenimadii xalay weerar culus lagu qaaday Masjidka Salaaxu diin oo isna ku yaala Woqooyiga Magaalada Gaalkacyo kaasi oo sababay dhimashada 4-ruux iyo dhaawaca 11-kale taasi oo ay walaac xoogan ka muujiyeen waxgaradka ku dhaqan gobolkaasi.

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s