Kulan dhexmaray Jaaliyadda Soomaalida Belgium iyo Danjire Nuur Cadde

 Magaalada “Gent” ee wadanka Belgium  waxaa shalay munaasabad soo dhoweyn ah loogu sameeyey safiirka dowladda Soomaaliya u qaabilsan dowladaha Yurub Amb. Nuur Xassan Xuseen (Nuur Cadde) oo uu wehliyey qunsulka safaarada Soomaalidu ku leedahay Beljam-ka Cali Ibraahim, waxaana munaasabadaasi soo dhoweynta ah oo ku dhacday jawi ay ka wada maqsuudeen dhammaan dadkii ka soo qeybgalay soo qabanqaabiyey, xil gaar ahna iska saaray inuu  is-tuso Jaaliyadda iyo safiirka Cali baashi oo ka mid ah aqoonyahanada magaalada Gent, waxaana munaasabada ka soo qeybgalay qaar ka mid ah waxgaradka Soomaaliyeed ee degan magaalooyinka wadanka Beljamka, wejiyadii kulankaasi soo xaadirayna waxaa ka mid ahaa Cali Max’ed Cali (Ugaas Cali) oo ka mid ahaa mas’uuliyiintii gobolka Banaadir xilligii TNG-dii Carta, iyadoo sidoo kale ay  goob-joog ka ahaayeen xubno metelayey Jaaliyadaha Soomaalida ee degan wadanka Holland.

Kulanka waxaa guddoominayey weriye Max’ed Abuukar Sheekh Xassan (Max’ed deeq) oo hadalka u qeybinayey waxgaradka iyo wefdiga safiirka, waxaana ugu horreyn ka hadlay Xassan Kaabir oo ka mid ah waxgaradka Soomaalida Beljam-ka, wuxuuna soo dhoweyn kaddib uu safiirka uga warbixiyey baahida ay Soomaalidu u qabaan helitaanka safaarad ay Soomaalidu ku soo hirato oo laga furo Brussel, wuxuuna tilmaanay in ay joogaan Soomaali badan oo markii ay wadanka Beljamka magangelyo weydiisteen lagu xujeeyey in ay Soomaalinimadooda soo cadeeyaan, shaqadaasuna ay tahay shaqadii ay safaarad qaban laheyd.

“Warqado aqoonsi ah oo cadeynaya Soomaalinimadiina keena ayaa lagu xujeeyaa Soomaali badan oo Beljamka iyo Holland joogta” ayuu yiri Xassan Kaabir.

Cabdi Faarax Gaani oo ka mid ah cuqaasha mujtamaca Soomaalida Beljam-ka oo isna munaasabada ka hadlay wuxuu sheegay in Soomaalida ku dhaqan Beljamka intii muddo aheydba ay ku soo caano-maaleen midnimo iyo wadajir, taasina ay ku timid biseyl iyo wadaninimo Soomaalida dhexdeeda ah, wuxuuna u soo jeediyey Soomaalidii ka soo qeybgashay munaasabada in ay meel uga soo wada jeestaan sidii ay isu-garab taagi lahaayeen safiirka Nuur Cadde, ulana shaqeyn lahaayeen intii karaankood ah.

“Siyaasadda wejiyada badan ee Soomaaliya ka socota waa wax aad u fool xun, nama saameyn innaga taa, waanu ka badbaadnay, waxaana nahay Soomaali isku xiran oo meel u wada socota” ayuu yiri Cabdi Faarax Gaani, wuxuuna ku celiyey   “Annagu wadankan  qaxooti baan ku nahay, waxaa inala gudboon inaan ka shaqeyno sidii wadankeenu nabad ku noqon lahaa, Soomaaliya oo nabad ah inaan ku noolaado ayaan doonayaa, meel aan la i oraneyn yaa tahay iyo halkeed ku socotaa oo warqado iyo sharci toona aan lays weydiineyn”

Ugaas Cali Max’ed Cali (Ugaas Cali) oo ka mid ahaa martidii kulanka lagu casuumay ayaa hadal uu fadhiga ka jeediyey wuxuu kaga hadlay howlaha horyaala safiirka cusub iyo sida uu uga niyad-san yahay in safiirku howlahaasi uu si hufan uga soo dhalaalo, wuxuuna Soomaalidii kulankaasi ka soo qeybgashay u soo jeediyey in haddii meel nabad ah la joogo inaan wadankii la hilmaamin, oo meel kasta oo dunidda aad kaga nooshahay iyo si kasta oo aad maqsuud ugu tahay qurbaha inaad tahay ajnabi wadankiisii ka soo dagaagay.

“Anigoo ku kalsoon xirfada shaqo-aqooneed ee Nuur Cadde waxaan rajeynayaa in Soomaalida wadanka Biljamka degan ama guud ahaan Yurub uu wax wanaagsan la qaban doono safiirka” ayuu yiri Ugaas Cali, oo ku ammaanay safiirka inuu ka mid yahay wadaniyiinta naadirka ah ee ay Soomaalidu haysato.

“Hub halis ah ayaa maalin walba dadkeena lala dhacayaa waad maqleysaan, waxaa waajib inagu ah inaan Soomaali ILLAAHEY u barino in TIIHA ku dhacay uu ILLAAHEY ka qaado” ayuu yiri Ugaas Cali.

Amb. Nuur Cadde oo gabgabadii kulankaasi ka hadlay wuxuu ka mahadceliyey soo dhoweynta loo sameeyey, wuxuuna balanqaaday inuu Soomaalida Biljamka uu kala shaqeyn doono sidii loo dhammeyn lahaa cabashooyinka ay qabaan, isagoo ugu baaqay Soomaalida inay door Soomaalinimo ah ka qaataan sidii wadanka loo nabadeyn lahaa, wuxuuna qurba-joogta Soomaalida ku tilmaamay dadkii xulka bulshada ahaa, isagoo ku bogaadiyey in nin kasta uu xilweyn iska saaro siduu wadanka ku badbaadin lahaa.

“Cid inoo maqan oo Soomaali ka baxsan ma jirto, waana waajib inaan arrimaheena xalisano oo aan ka shaqeyno sidii aan ummadeena u badbaadin laheyn, maskaxdii banaanka ayeey soo jirtaa” ayuu yiri Amb. Nuur Cadde wuxuu intaa raaciyey in wadan kasta uu soo maray marxalad la mid ah tan Soomaalida ku dhacday, balse Soomaalidu wuxuu yiri waxey uga duwan tahay bulshooyinka kale ma ahan dad wadaniyiin ah oo hadafkoodu yahay mid Qaran. “Haddii wadaniyad lala yimaado, lagana gudbo wixii Soomaalinimo ka hoseeya waxaa xaqiiqo ah in  Soomaaliya ay nabad noqoneyso (Insha ALLAAH) nabaddana horumar baa ku xiga” ayuu yiri Nuur Cadde.

“Waa nasiib darro in qiiradii wadaninimada ay hoos u dhacday, tii qabiilkuna sare u kacday sanadahaan danbe, waana in laga shaqeeyaa taas bilcagsigeeda” ayuu yiri Nuur Cadde.

“Biljamka waxaa ku yaal 2 guri oo dowladdii Soomaaliya ay laheyd oo hanti Qaran ah, safaaraduna hadda waxey ku shaqeysaa guri kiro ah oo dhismayaashaasi gacanta safaarada kuma jiraan, dhaawacyo iyo burburna waa ka muuqdaan, balse waa inaan ka shaqeynaa sidii aan isaga kaashan laheyn in dhismayaashaasu ay noqdaan kuwa safaaradu ay ku shaqeyso” ayuu yiri Nuur Cadde, wuxuuna tusaale u soo qaatay in dhismihii safaarada Soomaalida Talyaaniga ee magaalada Roma oo hoy u aheyd dhalinyaro Soomaali qaxooti ah in dhalinyaradaasi meel kale la dejiyey, safaaradiina ay hadda dayactir sugeyso, wuxuuna Soomaalida Biljamka ku bogaadiyey in ay la yimaadaan waxqabad lagu badbaadinayo dhismayaashaasi daxaleystay.

C/shakuur Cilmi Xassan
cabdishakuur48@live.com
Gent-Belgium

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s