Maraykanka oo sameeyay shucaac looga hortagayo burcad badeeda

Dowladda Maraykanka ayaa soo saartay shucaac wax dila oo loogu talagalay in lagula dagaalamo kooxaha burcad badeeda Soomaalida islamarkaana lagu burburiyo doomaha dheereeya oo ay wataan kooxahaasi.

 

Sarkaal ka tirsan dowladda Maraykanka ayaa sheegay inay soo saareen shucaac laser-ah oo wax dili kara islamrkaanka gacan ka geysan kara la dagaalanka burcad badeeda Somalida.

Michael Deitchman oo Madaxa ka ah Xafiiska Cilmi barista ciidamada badda Maraykanka ayaa sheegay inay ku guulaysteen tijabaada shucaaca laser-ah kadib markii  ay burburisay Matoor ku xirneyd doon lagu tijaabinayay shucaacaasi, isagoo intaasi ku daray in tijaabdaasi ay  ka dhacday xeebaha Californian.

Michael Deitchman ayaa waxa uu cadeeyay in shucaacani laser-ka ah uu awoodu u leeyahay in uu wax ka dilo meel ka fog hal Meyl, waxaana uu sheegay in iminka ay awoodaan inay badbaadiyaan doon waliba oo ay u arkaan inay afduuban rabaan burcad badeeda Soomaalida.

Waxa uu intaasi sii raaciyay in shucaanani loo siticmaali dooni in lagu waxyeeelooyo doonyaha ay isticmaalayaan kooxaha burcad badeeda Somalia iyo in iyaga gacanta lagu soo dhigo.

Qubarada dhica Sayniska ah iyo Teknoolajiya ayaa waxaa ay sheegeen in talabadaani ay qaaday dowladda Maraykanka ay dhabar jab wayn ku tahay kooxaha burcad badeeda Soomaalida oo dhibaatada ba’an ka wada Xeebaha ka baxsan Soomaaliya.

Qalabkaani maanta ay tijaabisay dowladda Maraykanka ayaa waxa uu imaanayaa xilli dhawaan Muwaadiniin u dhalatay dalkaasi ay dileen kooxaha burcad badeeda Soomaalida oo ka qowlaysta xeebaha Soomaaliya.

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s