Agaasimihii wasaaradda garsoorka iyo cadaaladda Puntland oo lagu dilay Qarax ka dhacay Gaalkacyo

Qarax maanta ka dhacay waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa lagu dilay agaasimihii wasaaradda garsoorka, cadaaladda iyo arrimaha diinta ee Puntland, Sheekh Ismaaciil Xaashi Xuseen.

Dilka mas’uulkan ayaa loo adeegsaday miinooyinka dhulka lagu aaso ee meelaha fog laga hago, iyadoo la sheegay in dhowr qof oo shacab ah ay ku dhaawacmeen qaraxa oo ahaa mid laga maqlay guud ahaan xaafadaha degmada Gaalkacyo.

Qaraxa lagu dilay mas’uulkan sida aad ah looga yaqaan degmada Gaalkacyo ayaa wuxuu ka dhacay illinka hore ee xarunta shirkadda isgaarsiinta Galcom ay ku leedahay degmada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Mas’uuliiinta Puntland oo ka gaabsaday inay faahfaahin ka bixiyaan qaaxaas ayaa sheegay inay howgallo baaritaanno socdaan lana qabtay dhowr qof oo looga shakiyay inay ka dambeeyaan weerarka lagu dilay agaasimaha.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in Sheekh Ismaaciil uu shalay ka istaagay masaajid ku yaalla waqooyiga magaalada Gaalkacyo isagoo ka hadlay qaraxyada inta badan ka dhaca degmadaas isagoo sheegay in laga soo abaabulo Koonfurta Soomaaliya.

Weerarkan ayaa qayb ka noqonaya falalka ammaan xumada ah ee ka taagan degmada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, oo ay ka taliyaan labada maamul ee Puntland iyo Galmudug.

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s