Meles Zanawi oo sheegay in DKMG uu gacan kasiinayo ciribtirka Shabaab

 Dowladda Ethiopia ayaa shaaca ka qaady in dowladda KMG Soomaaliya ay gacan kasiinayso sidii loo ciribtiri lahaa Xarakada Al Shabaab ee dagalada kula jirta dowladda Soomaaliya.

Kadib kulan Magaalada Addis’ Ababa ee Xurunta dalka Ethiopia ay ku qaateen Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Ra’iisul wasaaraha dalka Ethiopia Meles Zanawi ayaa waxaa faah faahin dheeri ah ay kasoo baxysaa kalunka ay yeesheen Mas’uuliyiintaasi.

Ra’iisul wasaaraha Ethiopia Meles Zanawi oo kulankaasi kadib Saxaafadda la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in dowladda KMG Soomaaliya uu gacan ka siinayo la dagaalanka Xarakada Shabaab oo dagaalada kula jirta dowladda Soomaaliya iyo Ciidamada Midowga Afrika AMISOM ee ku sugan Magaalada Muqdisho.

Meles Zanawi waxa uu sheegay inay danaynayaan in lasoo celiyo xasilinoodii iyo kala dambeyntii uu lahaa dalka Soomaaliya hase ahaatee uu sheegay in nabad ka dhalata dalka Soomaaliya ay kasoo horjeedaan kooxo uu uga yeeray Argigixisada Soomaaliya.

“Dowladda Ethiopia waxa ay diyaar u tahay sidii DKMG ay gacan ugua siin lahayd Ciribtirka kooxaha xagjirka ah ee Soomaaliya dagaalada kawada” ayuu yiri Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Ethiopia Meles Zanawi.

Dowladda dalka Ethiopia ayaa waxaa hadda ka hor caawinaad buuxda oo dhinaca Milatirga ah  ay siisay dowladdii uu Madaxweynaha ka ahaa Mudane C/laahi Yuusuf Axmed, iyadoo xiligaasi Ciidamadii Ethiopian-ka ahaa ee soo galay gudaha Maagalada Muqdisho ay meesha kasaareen awoodii gobolo ka mid ah dalka Soomaaliya ay ku lahaayeen Midowgii Maxaakiinta Islaamiga ah oo xiligaasi ku kacsanaa dowladii jirtay.

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s