Kooxdda Al-Shabaab ee Kismaayo ku khaarajiyay siyaasi caan ka ahaa Jubbooyinka

Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo oo ka tirsan gobolka J/hoose ayaa sheegaya in shalay cusbitaalka magaaladaasi laga helay meydka nin lagu magacaabo Xareed Cali Durdur oo ahaa siyaasi caan ka ah gobolada Jubbooyinka, iyadoo meydkiisa ay ka soo qaadeen isbitaalka qaar ka mid ah eheladiisa oo ku aasay qabuuraha weyn magaalada Kismaayo, hase yeeshee dadka degan magaalada Kismaayo ayaa si weyn uga naxay markii ay arkeen meydka siyaasiga Xareed Cali Durdur oo qoorta laga jaray.

Xildhibaan Maxamuud Sayid Aadan oo ka tirsan Golaha Baarlamaanka KMG ah ayaa sheegay in siyaasigaasi dilkiisa ay ka dambeeyeen xarakada Al-Shabaab, isagoona sheegay in muddo laba toddobaad kahor ay gurigiisa ka kaxeysteen ciidamo ka tirsan Al-Shabaab, wuxuuna sheegay in ehelada siyaasigaasi ay u sheegeen in meydka wiilkooda ay ka qaataan isbitaalka magaalada Kismaayo.

“Siyaasiga Xareed Cali Durdur oo gowracan ayaa meydkiisa la soo dhigay isbitaalka Kismaayo, waxaana dilkiisa ka dambeeyay kooxda Al-Shabaab” ayuu yiri Xildhibaan Maxamuud Sayid Aadan oo sheegay in la la’yahay odayaal iyo rag degan gobolada Jubbooyinka, kuwaasi oo guryahooda ay kala baxeen ciidamada xarakada Al-Shabaab, wuxuuna Xildhibaanku caddeeyay in ehelada dadkaasi ay ka welwelsan yihiin xaalada ay ku sugan yihiin raggaasi.

Dhinaca kale wararku waxay intaasi ku darayaan in xarakada Al-Shabaab xubno ka tirsan maamulkooda magaalada Kismaayo laga soo xigtay in ninkaasi siyaasiga ahaa ay igu dileen, waxayna ku eedeeyeen in taleefankiisa laga helay xiriiro uu la sameeyay ciidamada Dowladda ee ku sugan magaalada B/Xaawo iyo Dhoobley, inkasta oo maamulka xarakada Al-Shabaab aanu wax hadal ah ka soo saarin eedeyntaasi loo jeediyay.

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s