Shirkii Wadatashiga Nairobi Oo Soo Xirmay,Qodobana Laga Soo Saaray

Shirkii  wadatashiga ee ka  soconaayey magaalada Nairobi ee xarunta wadanka Kenya ayaa la soo gabagabeeyey,waxaana laga soo saaray qodobo dhowr ah.

Shirkaasi oo Nairobi ka soconaayey laba maalmood ayaa waxaa soo qaban-qaabisay Qaramada Midoobay,waxaana si qoto dheer looga hadlay xaaladda Soomaaliya ay mareyso.

Shirkaan oo ay kasoo qaybgaleen mas’uuliyiin ka kala socotay Dawladda Puntland,Baarlamaanka Dawladda KMG ah,Gal-mudug iyo Ahlusunna Waljameeca.

Gabagabadii kulankaasi ayaa waxaa laga soo saaray bayaan ay ku qoranaayeen qodobo ay ugu muhiimsanaayeen:

  • In bisha Agoosto ee sanadkan la qabto doorasho,taasi oo lagu soo dooranayo Madaxweyne,Guddoomiye iyo Guddoomiye kixigeeno.
  • In baarlamaanka Dawladda KMG ah muddo laba sana ah loogu kordhiyo wakhtigiisa.
  • In dib u habayn lagu sameeyo baarlamaanka Dawladda KMG ah ayna ka qaybqaataan maamul goboleedyada ka dhisan gudaha Soomaaliya.

Si kastaba arrimaha ayaa kusoo beegmaya xili madaxda Dawladda KMG ah ee Soomaaliya aysan u dhameyn shirka lamana oga sida ay ku aqbali doonto xukuumada Dawladda KMG ah qodobada kasoo baxay shirka.

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s