Madaxweynihii Hore Ee Soomaaliya Oo Kasoo Horjeestay Shirkii Nairobi Ka Dhacay

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane C/laahi Yuusuf Axmed oo ku sugan magaalada Sanca ee dalka Yemen ayaa ka soo horjeestay shirka ku soo gabagaboobay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Mudane C/laahi Yuusuf ayaa sheegay in shirka wada tashiga ahaa ee lagu soo gabagabeeyay fiidkii xalay magaalada Nairobi in uusan Soomaalida faa’ido u laheyn, isla markaana waxaa uu ku baaqey in shirweyne Soomaalidu leedahay lagu qabto gudaha dalka Soomaaliya.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane C/laahi Yuusuf Axmed ayaa wareysi gaar ah oo uu siiyey Idaacada VOA-da waxaa uu ku sheegay in Gudoomiyaha Baarlamaanka FKMG Soomaaliya uusan xaq u laheyn inuu shirkaasi ka qeybgalo iyadoo laamihii dowladda ee ka mudnaa aysan tegin shirka, wuxuuna Gudoomiyaha Baarlamaanka ku tilmaamey shaqsi danta Soomaaliya aan wadin balse wata dantiisa gaarka ah.

Dhinaca kale Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane C/laahi Yuusuf waxaa uu ka hadlay wafdiga uu horkacayo Madaxweynaha Puntland Mudane C/raxmaan Faroole ee ka qeybgalay shirkii ka dhacay magaalada Nairobi, wuxuuna sheegay in dan shaqsiyadeed ay tahay safarka wafdiga Madaxweynaha Puntland iyo wafdigiisa ay ku tageen shirka Nairobi.

Mudane C/laahi Yuusuf ayaa sheegay in shacabka Puntland ay doonayaan in Soomaali weyn la isu keeno oo ay meel isugu wada yimaadaan si nabad ah, isagoo intaa ku daray in shacabka Puntland ay ka hortagaan cid kasta oo ka hor imanaysa danta Soomaaliyeed.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa shirarka iyo xaaladaha haatan ka socda dalka Soomaaliya waxaa uu ku sifeeyay waxyaabihii ku kalifay in uu ka istiqaaloodo xilkii Madaxweynaha Soomaaliya sanadkii 2008-da, wuxuuna ku baaqey in wadamada deriska ah ay faragelinta ka joojiyaan dalka Soomaaliya.

Ugu dambeyn waxaa uu Madaxweynihii hore ee Soomaaliya uu amaaney Xukuumada Ra’isulwasaare Farmaajo oo uu ku tilmaamey Xukuumad ay ku jiraan rag aqoonyahano ah oo ka yimid dalka dibadiisa, wuxuuna sheegay in talaabada ugu wanaagsan ee Soomaaliya ku hormari karto ay tahay in ay u madax banaanaato shaqadeeda.

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s