Wasiirka Beeraha & Waraabka Puntland Oo Lakulmay Beeraleyda Gobolka Mudug

Wasiirka Beeraha iyo Waraabka dowladda Puntland Eng, Maxamuud Xaaji Saalax ayaa maanta la kulmay Iskaashatada beeraleyda ee gobolka Mudug.

Wasiirka ayaa soo kormeeray beero badan oo ku yaala duleedka magaalada Gaalkacyo halkaasi oo uu kula kulmay qaar badan oo ka tirsan Iskaashatada beeraleyda gobolka Mudug.

Iskaashatada beeraleyda Mudug iyo Wasiirka Wasaarada Beeraha iyo Waraabka Puntland ayaa ka wada hadley sidii loo hormarin lahaa beeraha gobolka Mudug, waxaana halkaasi labada dhinac ay ku kala war qaateen kulan saacado socday oo ay yeesheen.

Baahiyaha iyo caqabadaha soo wajahay Iskaashatada beeraleyda gobolka Mudug ayey kala hadleen Wasiirka Beeraha iyo Waraabka dowladda Puntland ee Soomaaliyeed Mudane Maxamuud Xaaji Saalax, wuxuuna Wasiirku balan qaadey in ay wax badan ka taageeri doonaan beeraleyda gobolka Mudug oo ay ka saacidi doonaan caqabadaha heysta waqtigan oo lagu jiro abaaro xoogan.

Wasiirka ayaa sidoo kale maanta kormeer ku soo sameeyay Kuliyad laga dhisayo duleedka magaalada Gaalkacyo, taasi oo lagu baran doono beeraha iyo waxsoo saarkooda, wuxuuna Wasiirku sheegay in arintani ay tahay guul la gaarey oo dadka iyo dalkaba faa’ido u ah.

Ugu dambeyn Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Puntland waxaa uu sheegay in uu ku laabanayo magaalad Garowe oo uu markii hore ka yimid, wuxuuna sheegay in ujeedada imaatinkiisa ay tahay u kuur gelida xaalada beeraleyda gobolka Mudug, isagoo intaa ku daray in uu ku soo laaban doono markale magaalada Gaalkacyo si uu wax uga qabto baahiyaha uu arkey ee ka jira dhinaca beeraha gobolka Mudug.

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s