Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin oo xukun lug iyo gacan looga gooyay ku fulisay saddex wiil oo dhallinyaro ah

Maamulka xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin ee gobolka Shabeellada dhexe ayaa maanta fuliyay xukunno gacan iyo lugta looga jaray saddex wiil oo dhallinyaro ah, kuwaasoo lagu eedeeyay inay dhac u geysteen rakaab saarnaa gaari isaga gooshayay deegaannada Biyo-cadde iyo Mir-tuugo oo ka tiran gobolkaas.

Xukuunka ayaa lagu fuliyay garoonka kubadda cagta ee degmada Jowhar, waxaana ridday maxkamadda Xarrakatul Shabaab ee degmada Mahadaay, iyadoo maamulku uu ugu yeeray dadweynaha degmada Jowhar inay u soo daawasho tagaan sida loo furlinayo xukunka.

Qaaliga maxkamadda degmada Mahaddaay Sheekh Yuusuf Xasan Barrow ayaa sheegay in dhallinyarada xukunka lagu riday oo kala ahaa: Cabdullaahi Faarax Bakad, Xasan Macallin Farey iyo Xasan Siyaad Maxamed lagu eedeeyay inay dhaceen 3,400,000 oo shillin Soomaali ah iyo laba taleefoonnada gacanta ah (Mobile) ayna maxkamadda horteeda ka qirteen inay dambigaas galeen.

Dhammaan saddexda dhallinyarada ah ayaa laga jaray qaybga hore ee gacanta midig iyo cagta lugta bidix, waxaana qaaliga maxkamada degmada Mahadaay uu sheegay in xukunkooda uu u cuskaday diinta Islaamka.

Ma ahan markii ugu horreysay oo maxkamad ku taalla gobolka Shabellada dhexe ay riddo xukun noocan oo kale ah, iyadoo horraantii sannadkan laba wiil oo dhallinyaro ah gacanta iyo lugta looga jaray degmadaas kaddib markii lagu eedeeyay inay lacag xadeen.

Gobolka Shabeellada dhexe ayaa ka mid ah gobollada ay sida buuxda uga taliso Xararkatul Shabaab oo dagaal kula jirta dowladda KMG ah, iyadoo maamulka uu uga digay dadka ku nool inay xatooyo geystaan, haddii kale ay la kulmi doonaan xukun la mid ah kuwii maanta lagu fuliyay saddexda dhallinyarada ah.

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s