Shirkii wadatashiga Soomaalida oo maanta ka furmay Nairobi

Waxaa maanta ka furmaya magaalada Nairobi shirkii Qaramada Midoobay soo qaban qaabisay ee ku aadan wadahadalka dhinacyada Soomaaliya.

Kulankan oo socon doona illaa maalinta beri ah ayay kasoo qeyb galayaan wafuud kala gedisan oo lagu casumay shirkaasi.

Waxaa magaalada Nairobi ku sugan, wafdi balaaran oo ka socda Dowlada Puntland oo uu hogaaminayo Madaxweynaha Dowlada Puntland Cabdiraxmaan Faroole.

Wafdiga Puntland ayaa ka kooban Wasiirka Arrimaha Gudaha Gen. C/llahi Axmad Jamac (Ilkajir); Wasiirka Waxbarashada Md. Cabdi Farax Saciid (Juxa); Wasiiru-dowlaha Madaxtooyadda ee Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka Mr. Cabdi Xasan Jimcaale, Ph.D, iyo Xubno ka tirsan Madaxtooyadda Puntland.

Wafdiga Puntland ayey diyaarada sii wada raaceen Wafdiga ka socda Galmudug waxaana si weyn loogu soo dhaweeyey Magaalada Nairobi, waxaana soo dhaweyntaasii ka qeybqaatay Mas’uuliyiinta Safaarada Somalida ee dakla Kenya, Mr. Maxamad Cali (Amerika) iyo Mr. Maxamad Cisman Adan (Edson), iyo Wakiilka Xafiiska Puntland ee Nairobi, Mr. Maxamad Xasan Barre.

Wakiilka Qaramada Midoobay (UN) ee Arrimaha Somalia, Mr. Augustine Mahiga, ayaa booqasho sharaf ugu yimid Wafdiga Puntland wuxuuna ku amaanay Madaxda Puntland ka soo qeybgalka shirkaani wadatashi.

Madaxweynaha Puntland oo shir jaraa’id ku qabtay Xarunta Madaxtooyadda Puntland ee Magaalada Garowe ka hor inta aysan Wafdigu usoo dulin Magaalada Nairobi ayaa sheegay in Dowladda Puntland lagu casumay shir wadatashi oo ay qaban-qaabisay Xafiiska Siyaasadda Somalia ee Qaramada Midoobay (UNPOS) oo uu hormuud ka yahay Mr. Mahiga.

Madaxweyne Farole ayaa sheegay in mowqifka Dowladda Puntland ee ku aadan xil-kororsiga hey’adaha Dowladda Federaalka KMG ah (TFG) uusan waxba iska badalin oo ay Dowladda Puntland weli ka soo horjeedo in xilka loo kordhiyo hey’adaha TFG-da.

Madaxweynaha Puntland ayaa sidoo kale sheegay in shirka wadatashi ee Nairobi uu furmi doono maanta iyadoo maamullada Somalida ay ka wada hadli doonaan qaabka ugu haboon sharcigana waafaqsan oo ay Dowladda TFG-da xilka u dhamaysan lahayd iyo sidii ay Dowlad cusub oo oo ka wakiil ah shacabka Soomaaliyeed loo dhisi lahaa.

Kulanka Nairobi ayey sidoo kale kasoo qeyb galayaan xubno kale oo lagu casumays sida dhaq dhaqaaqa Ahlu Sunna qeybo kamid ah iyo xubno kamid ah Baarlamaanka Dowlada Federaalka Kumeelgaarka ah oo uu hogaaminayo Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xassan.

Madaxweynaha iyo Xukuumada DFKMG ayaa ayagu diiday in ay shirkan kasoo qeyb galaan.

Ambassador Mahiga ayaa sheegay in hada kahor ay labo jeer dib u dhigeen shirkan, kadib markii ay cudurdaar keeneen xukuumada DFKMG, asagoo sheegay in hada ay ka xun yihiin inay shirka kasoo qeyb galeen, maadaama buu yiri shirkan uu yahay mid lagu taageerayo DFKMG ayna tahay fursad ay u adeegsan kareen inay kusoo bandhigaan waxqabadkooda.

Qodobada Shirka looga hadlayo

Qodobada shirkan looga hadlayo ayaa waxaa kamid ah sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Qaramada Midoobay.

1- Xog iswareysi la xariira Qorshaha Baarlamaanka DFKMG ee ku aadan wixii la qaban lahaa mustabalka, isla markaana waxa uu Barnaamijka Baarlamaanka oo ay ku doonayaa xilli kordhinta wakhtiga Dowlada Federaalka Kumeelgaarka.

2- Ka faa’iideysiga guulaha dhismaha maamulada sida Puntland iyo Galmudug, ayadoo la eegayo sida DFKMG uga faa’iideysan karto maamulada hoostagi kara DFKMG sida ay guulaha uga gaareen xag maamul iyo xag Amni.

3- Sidoo kale shirka ayaa waxaa markii ugu horeysay fursad loo siin doonaa, dhaq dhaqaaqa Ahlu Sunna Waljamaaca inay kusoo bandhigaan waxqabadkooda siyaasadood ku aadan xaalada Soomaaliya

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s