Aas aaska ciidanka Xooga dalka Soomaaliyed oo Muqdisho laga xusay

Munaasabadani oo aheyd mid lagu maamuusay Sanad guuradii 51-aad ee kasoo wareegatay maalintii dhibada loo taagay Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed oo ku begnayed 12-ka April 1960-kii ayaa maanta waxaa ay ka dhacday Xarunta Villa Baydhaba ee Magaalada Muqdisho.

 

Munaasbada ayaa waxaa kasoo qeyb galay Madaxweynaha dowladda Soomaaliya, Wasiirka Gaashan dhiga Xukuumadda KMG, Xubno ka socday labada gole ee dowladda, Ururada bulshada rayidka, Saraakiisha Ciidamada qeybaheeda kala duwan, Saraakiil ka socotay Ciidamada Midowga Afrika, Ururka Haweenka Soomaaliyeed iyo Odayaasha dhaqanka Beelaha Soomaailyeed.

Ugu horeyn Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa salaan sharaf waxaa uu ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, iyadoo goobtaasi lagu soo bandhigay qalab Milatari oo ay leeyihiin ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Shariif oo ku dheeray ka hadalka 12-ka April oo ah maalin ku wayn shacabka Soomaaliyeed ayaa sheegay in ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed uu yahay kan u taagan in uu baabi’iyo Qatar wailba uu soo wajahda Shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna habalyo ku aadan maalinta ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed uu u diray Saraakiisha, Saraakiil xigeenada, Alifleyda iyo Deblayda Ciidanka Xoogga dalka Soomaailyeed kuwaasi oo uu ugu hambalyeeyay in sanadkan kiisa kale ay ku garaan bash iyo baraare.

Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa carabka ku dhiftay in 20-kii sano ee dalka Soomaaliya uu burburka ku jiray in ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed uu burbur xoogan ku yimid islamarkaana uu kala daatay hase ahatee waxaa uu xusay in dowladiisu ay dib u yakleeshay Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyed haatana uu yahay mid lagu faani karo, wuxuuna tilmaamay in ciidamadu ay ka gaareen guulo la taaba karo dagaaladii ugu dambeeyay ay la galeen Xarakada Al Shabaab.

Shariif oo hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu sheegay in guusha Ciidamada aysan iska imaan hase ahaatee sida uu tilmaamay lagu bixiyay juhdi farabadan taasi oo ay iska kaashadeen dowladda KMG Soomaaliya iyo Beesha Caalamka .

Siakastaba ha’ahaatee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa la xasuustaa in xilli uu ahaa Ciidamada ugu tayada wanaagsan Qaaradda Afrika wallow uu saameeyay burburkii ku yimid dowladdii dhexe hase ahaatee iminka ayaa waxaa ay u muuqdaan kuwa soo kabanaya bur burkaasi.

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s