Xildhibaano taageeryay gudoomiyaha barlamanka iyo kuwa cambaareeyay

Xildhibaanada barlamanka KMG Soomaaliya ayaa ku kala qeybsamay ka qeybgalka shirka lagu wado in uu ka dhaco Magalaada Nairobi ee Xarunta dalka Kenya  

 

Xili maalintii shalay gudoomiyaha barlamanka Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan uu ka amababaxay Magaalada Muqdisho isagoo kusii jeeda Magaalada Nairobi ee Xarunta dalka Kenya si uu ugu qeyb galo shirka wada tashiga ah oo ay Qaramada Midoobay qorshaynayso inay ku qabato dalka Kenya ayaa arintaasi waxaa ay kala aragti duwanaansho ay ku dhex abuurtay Mudanayaasha barlamanka KMG Soomaaliya.

Xildhibaan Cismaaciil Axmed Nuur oo ka mid ah Mudanayaasha barlamanka oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa waxaa uu sheegay in gudoomiyaha barlamanka uusan sharci u lahayn in uu go’aansado ka qeyb galka shirka lagu wado in uu ka dhaco maalmaha nasoo aadan Magaalada Nairobi.

Cismaaciil Axmed Nuur ayaa waxaa uu sheegay in Xukuumadda KMG ay iyadu xaq u leedahay inay go’aansato ka qeyb galka shirkaasi.

Dhinaca kale Xildhibaan Axmed Cabdi Cumar  Burille ayaa isna waxaa uu difaacay ka qeyb galka gudoomiyaha barlmanka Somaaliya shirka Qaramada Midoobay ay kuwado inay ku qabatao Magaalada Nairobi kaasi oo lagu marti qaaday dhamaan Maamulada ka jira dalka iyo dowladda KMG Soomaaliya.

Si kastaba ha’ahaatee 12-ka ilaa 13-ka bishan ayaa lagu wadaa Magaalada Nairobi in uu ka dhaco shir wada tashi ah oo ay soo qaban qaabisay Qaramada Midoobay kaasi oo horey Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda KMG Soomaaliya ay u sheegeen in Umadda Soomaaliyeed aysan wax dan ah ugu jirin islamarkaana qilaaf siyaasadeed ka dhex abuurtay Xidhibaanada barlamanka iyo Mas’uuliyiinta kale ee dowladda KMG Soomaaliya.

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s