Shariif iyo Paul Kagame oo ka wadahadlay abaaraha ka jira Somaliya.

Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa kala hadlay dhigiisa dalka Ruwanda Paul Kagame wax ka qabashada abaaraha baahsan ee xiligaan ka jira dalka Soomaaliya.

 

Kadib kulan shalay ay kuwada yeesheen Caasimada dalka Ruwanda ee Kigali, Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh axmed iyo Madaxweynaha Ruwanda Paul Kagame ayaa waxaa ay kulankooda uga hadleen arimo dhowr ah oo ay ugu muhiimsantahay sidii dowladda Ruwanda ay u garab istaagi laheyd dadka abaaruhu ay saameeyeen ee ku dhibaateysan gudaha dalka Soomaaliya

Sida lagu cadeeyay warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska warfaafinta ee Madaxtooyada Soomaaliya Safarka Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya uu ku tagay Ruwanda ayaa waxaa ku wehliyay Wasiirka Warfaafinta, Boostada iyo Isgaarsiinta Cabdikariim Xassan Jaamac iyo wasiirka dhalinyarada, isboortiga, shaqada iyo shaqaalaha Cabdinuur Macalin Maxamed.

Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Ruwanda ayaa sidoo kale ka wadahadlay sidii loo wanaaji lahaa xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Ruwanda iyo sidii dowladda Soomaliya looga taageeri lahaay xagga siyaasadda, dhaqaalaha iyo xiriirka caalamiga.

Gaba gabadii kulanka Madaxweyne Shariif iyo Paul Kagame ayaa la iskula soo hadal qaaday qaabka ugu fudud ee loo heshiisiin karo dhinacyada Soomaalida ee isku maandhaafsan siyaasada Soomaaliya, waxaana Madaxweynaha Ruwanda uu balan qaaday in dowladiisa ay gacan ka geysnayso sidii Soomaaliya la isugu keeni lahaa iyo taakeynta dadka abaareysan.

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s