Odayaasha Digil iyo Mirifle oo ku Baaqay in Xilka Laga Qaado Gudoomiyaha Barlamaanka Shariif Xasan

Odayaal dhaqameed ka soo jeeda beelaha Digil iyo Mirifle oo maanta war saxaafadeed ka soo saaray magaalada Muqdisho ayaa ugu baaqay xildhibaanada barlamaanka KMG inay mooshin xilka qaadis ka keenaan gudoonka barlamaanka Shariif Xasan.

Odayaasha oo war saxaafadeedkooda u akhriyey saxaafadda ayaa sheegay in aysan raali ka ahayn talaabooyinka uu ku dhaqaaqay gudoomiyaha barlamaanka oo ay ka mid tahay ka qeybgalka shirka Nairobi oo ay xukuumada KMG horey u diiday.

“Waxaan u cadeyneynaa masuuliyiinta DKMG iyo shacabka Soomaaliyeed inaan raali ka ahayn ka qeybgalka Shariif Xasan eeshirka Nairobi, waxaana ugu baaqeynaa xildhibaanada beesha ka soo jeeda inay mooshin ka soo diyaariyaan gudoonka barlamaanka”, ayaa lagu yiri war saxaafadeedka oo uu akhriyey Madiyow Iftiin oo ka mid ahaa odayaasha maanta war saxaafadeedka soo saaray.

Dhanka kale waxay odayaasha Digil iyo Mirifle sheegeen in aragti ahaan ay ka horjeedaan hab dhaqanka gudoonka barlamaanka oo ay ku eedeeyeen inuu faraha la galay arimihii siyaasadda ee u yaalay xukuumada, isagoo ilaaway bey yiraahdeen shaqadii barlamaanka.

War saxaafadeedka odayaasha Digil iyo Mirifle ayaa lagu muujiyey in ay garab taagan yihiin go’aankii xukuumada ee ku wajahnaa shirka Nairobi ka furmaya maalinta berito ee 12-ka April.

Bayaanka maanta ka soo baxay odayaasha Digil iyo Mirifle ayaa ku soo beegmay iyadoo wafdi uu hogaaminayo Shariif Xasan hadda ku sugan yihiin magaalada Nairobi si ay uga qeybgalaan shirka uu qabanqaabiyey ergeyga Qaramada Midoobey Augustine Mahiga.

Shirka waxaa horey u qaadacay xukuumada KMG iyo madaxweyne Sheekh Shariif oo isku aragti ahaa waayadan dambe.

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s