Kooxo hubaysan oo dilay ganacsade caan ka ah Magaalada Gaalkacyo

Waxaa  caawa kooxo hubaysan ay magaalada Gaalkacyo ee Xarunta gobolka Mudgu ku dileen  nin ganacsada ah oo si wayn looga yaqaano Magaaladaasi.

 

Iyadoo mudooyinkii dambe magaalada Gaalkacyo dhinaceeda Woqooyi ay kusoo badanayeen falal liddi ku ah amaanka islamarkaana lagu bartilmaameedsanayay Mas’uuliyiinta gobolkaasi ayaa hadana caawa, waxaa magaaladaasi lagu dilay ganacsada caan ka ah Magaaladasi oo magaciisa lagu soo gaabiyay Caynaanshe.

Kooxaha dilka gaystay ayaa la sheegay inay u duubnaayeen wajiyada islamarkaana ay ku hubaysnaayeen bastoolada, iyadoo dilkaasi kadib ay ka baxsadeen goobtii uu dilkaas ka dhacay.

Ilaa iyo hadda majiraan Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka oo ka hadashay dilkaasi hase ahaatee ciidamada ayaa waxa ay wadaan baaritaano ay ku baadi goobayaan kooxihii dilkaasi gaystaty.

Dilkaani ayaa waxaa uu qeyb ka yahay dilal maalimihii u dambeeyay ka dhacayay Magalaada Gaalkacyo ee Xarunta gobolka Mudug kuwaasi oo lala bartilmaameedsanayay Mas’uuliyiin, waxgarad, Nabadoono iyo dad rayid ah oo badankooda la sheegay in loo dilay aanooyin qabiil.

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s