Madaxweynaha Soomaaliya oo booqday dalka Burundi lana kulmay madaxweynaha dalkaas (SAWIRRO)


Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo wafdi wasiirro ah oo uu hoggaaminayo ayaa maanta booqday dalka Burundi, isagoo kulamo la yeeshay Madaxweynaha dalkaas Pierre Nkurunziza iyo mas’uuliyiin kale.

Wada hadallada dhexmaray madaxweynaha Soomaaliya iyo madaxweynaha Burundi ayaa la sheegay inay ahaayeen kuwo ku saabsan ammaanka Soomaaliya maadaama ay dalkaas ka joogaan Soomaaliya 3,500 askari oo qayb ka ah howlgalka AMISOM.

Socdaalka madaxweyne Shariif ayaa lagu sheegay inuu ahaa mid shaqo, sidoo kale wuxuu Sheekh Shariif booqday shalay dalka Uganda isagoo la kulmay madaxweyne Yoweri Museveni dalkaas isagoo kala hadlay howgalka ciidamada AMISOM.


Kulanka dhexmaray Sheekh Shariif iyo Nkurunziza ayaa la sheegay inuu qaatay saacado ayna ugu dambeyn isku afgarteen inay iska kaashadaan soo celinta ammaanka guud ee dalka Soomaaliya.

Wadamada uu Sheekh Shariif booqday ee Uganda iyo Burundi ayaa waxaa Soomaaliya ka jooga 9,000 askari kuwaasoo DKMG ah garab ku siiya dagaalka ay kula jirto Xarrakatul Shabaab oo ka talisa inta badan dalka Soomaaliya.

Booqashadan ayaa imaanaysa iyadoo dowladda KMG ah ee Soomaaliya ay isku dayayso inay Muqdisho iyo gobollada dalka ay ka saarto xoogagga Xarrakatul-Shabaab oo gacanta ku haya, inkastoo aanay taasi weli u suurogelin labadii sano ee ay jirtay.



Xigasho  Hiiraan Online

Allcaseyr.net

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s