Obama “qatarta Somaliya waxey halis ku tahay Maraykanka”

Madaxweynaha dalka Maraykanka Barrack Obama ayaa sheegay in qatarta Soomaaliya ka jira ay halis ku tahay amaanka qaranka ee dalka Maraykanka, isagoo ku baaqay in si deg deg ah wax looga qabto.

Madaxweynaha Maraykanka ayaa ka dhawaajiyaya in burcad badeeda ragaadisay xeebaha Soomaalia iyo daganaansho la’aanta siyaadeed ee dalka Soomaalia ay yihiin arin u baahan in talaabo deg deg ah ay dowladda Marekanka ka qaado.

Barrack Obama, Madaxweynaha dalka Mareykanka ayaa war qoraal ah oo uu soo saaray waxa uu ku sheegay in dhibaatooyinka ka jira dalka Soomaaliya ay halis ku yihiin danaha siyaasadeed ee gudaha iyo tan dibadda ee dalka Mareykanka.

Obama ayaa waxa uu ku nuux nuxsaday in xaaladda nabad la’aaneed ee ka sii dareyso ee wadanka Somalia ay sii ragaadiyeen falalka ay geysanayaan burcad badeeda Soomaalida.

“Xaaladda Somalia ayaa waxa ay noqoneysaa mid halis ku yeelan karta amaanka qaranka ee wadanka Mareykanka iyo waliba siyaadeena arimaha dibadda” sidaasina waxaa lagu sheegay bayaan ka soo baxay xafiiska madaxweynaha dalka Mareykanka.

Hadalkaani ka soo yeeray dowladda Mareykanka aya imaaya xilli dhawaan kooxaha burcad badeeda Somalia ay qaarijiyeen muwaadiniin Mareykan ah kadib markii ay afduubteen.

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s