Xiisado dagaal iyo dhaq dhaqaaqyo ciidan oo ka taagan Baladweyne

Xiisado iyo dhaq iyo dhaq dhaqaaqyo ciidan ayaa ka taagan deegaano hoostaga Magaalada Baladweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan.

Xiisadahaani ayaa waxaa ay ka taaganyihiin deegaanka Ceel-gaal iyo Kalabeyr kuwaasi oo u dhaxeeya ciidamada Xarakada Al Shabaab iyo kuwa Maamulka Dooxada Shabelle oo mudooyinkii dambe ku dagaalamayay deegaanadaasi.

Xiisadahaani ayaa bilaawday kadib markii ciidamada Shabaab ay ka ruqaansadeen Magaalada Baladweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan, waxaana diyaar garow balaaran laga dareemayaa deegaanada Ceel-gaal iyo Kalabeyr oo ay ku sugnaayeen Ciidamada Maamulka Dooxada Shabelle.

Qaar ka mid ah dadka ku nool deegaanadaasi ayaa Idaacadda Shabelle u sheegay inay dareemayaan dhaq dhaqaaqyo ciidan oo u dhaxeeya Shabaab iyo Dooxada Shabelle, iyagoo tilmaamay in mar waliba halkaasi uu dagaal ka dhici karo madaama ay isku jiraan meelo aan sidaasi u kala fogayn.

Majiro wax war ah oo kasoo baxay Sarkiisha Ciidamada Maamulka Dooxada Shabelle iyo kuwa Xarakada Al Shabaab oo ku aadan dhaq dhaqaaqyadaan iyo xiisadaha dagaal ee laga dareemayo deegaanada hoostaga Magaalada Baladweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan.

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s